Usuul sadex ah iyo daliiladoodii

Kitaabka Usuusha sadexda ah iyo daliiladooda oo lagu turjumay af soomaali, waana kitaab ku baraya garashada ilaahay sw iyo nabiga scw iyo diinta.

Usuul sadex ah iyo daliiladooda

[الصومالية - soomaali]
        

Sh. Maxamed Bin Cabdulwahaab

Waxa turjumay :
 Maxamed Aadam Ibraahim
Tixraacyada :
Maxamed Axmed Cilmi

 

 


 

ثلاثة الأصول وأدلتها
    
 الشيخ : محمد بن عبد الوهاب



ترجمة : محمد آدم إبراهيم

مراجعة : محمد أحمد علمي

بسم الله الرحمن الرحيم
Magaca Allaah ayaan ku bilaabay Naxariista guud ku sifaysnaa (bi macnaa u naxariista khalqigiisa dhamaan Muslimiin iyo Gaalaba, Dad iyo Duunyaba) Naxariista gaarkana ku sufaysnaa (bi macnaa Mu'miniinta si gaar ah ugu naxariista Maalinta Aakhiro).

{Fiiro gaar ah : Mu'alifka inta uusan u guda gelin 3 da Masaa'il ee kitaabka ku saabsan yahay wuxuu ka hor mariyay 7 masaa'il oo hor dhac ah, 4 mas'alo oo meel ah iyo 3 mas'alo oo meel ah, Sheekha Mas'alo kasta uu ka hadlaayana wuxuu kuu raaciyay Daliilkeeda oo ah Qur,aanka Kariimka iyo Sunnada Rasuulka scw}
 
اعلم رحمك الله أنه يجب علينا تعلم أربع مسائل :
Ogoow Allaah kuu naxariisayee in ay waajib nagu tahay afar mas'aladood barashadooda (yacnii inaan barano):
الأولى : العلم .
Tan koowaad: waa cilmiga.
وهو معرفة الله، ومعرفة نبيه، ومعرفة دين الإسلام بالأدلة.
Waana garashada  Allaah, iyo garashada  Nabigiisa scw, iyo garashada Diinta islaamka weliba si daliil wadato aan ku barano.
الثانية : العمل به .
Tan labaad : in lagu camal falo cilmiga.
الثالثة : الدعوة إليه .
Tan sedexaad : in Dadka loogu yeero cilmiga.
الرابعة : الصبر على الأذى فيه .
Tan afaraad : in lagu sabro dhibaatada ku jirto arinkaasi.
(Afar taasi arimood barashadooda iyo dhaqan gelintooda ayaa waajib nagu ah dhamaanteena)
والدليل قوله تعالى : ﴿ والعصر ،
Daliilkuna waa qowlkii Allaah kor ahaayee : (( Casirka ayaan ku dhaartay,
 إن الإنسان لفي خسر ،
Insaanka khasaaro ayuu ku dhex jiraa
 إلا الذين آمنوا
marka laga reebo , kuwa rumeeyay xaqa (Xaqa gartay oona rumeeyay),
وعملوا الصالحات
Camal Wanaagsanna sameeyay (xubnahooda Camal wanaagsan ku sameeyay)
وتواصوا بالحق
isuna dardaarmay Xaqa (isgaarsiiyay Xaqa),
 وتواصوا بالصبر ﴾ سورة العصر .
isuna dardaarmay samirka)). Suuratul casri.
قال الشافعي رحمه الله تعالى : لو ما أنزل الله حجة على خلقه إلا هذه السورة لكفتهم ،
Wuxuu yiri Shaafici Allaah ha u naxariistee :  hadii uusan  Allaah ku soo dajin lahayn Xujo khalqigiisa korkooda suuradaan mooyaanee way ku filnaan lahayd (yacnii si dhameestiran oo guud ayay suuradaan u hadashay oo waxaa ku dhex sugan afarta arimood ee Bad baadada ay ku jirto qofkii u fiirsada),  
وقال البخاري رحمه الله تعالى : باب العلم قبل القول والعمل .
Wuxuuna yiri Bukhaari Allaahii sareeyay ha u naxariistee : baabka Cilmiga wuu ka horeeyaa qowlka iyo camalkaba (wax lagu hadlo iyo wax la sameeyo Cilmiga ayaa ka horeeya).

والدليل قوله تعالى : ﴿ فاعلم أنه لا إله إلا الله واستغفر لذنبك ﴾ سورة محمد آية : 19،
Daliilkuna waa qowlkii Allaah kor ahaayee : (( Ogoow inuusan jirin Allaah xaq lagu caabudo Allaah mooyaanee, una dambi dhaaf waydii naftaada )) suuratu Muxammed aayada :19aad ,
فبدأ بالعلم قبل القول والعمل .
Allaah wuxuu ku bilaabay Cilmiga ka hor Hadalka iyo Camalka.
 
اعلم رحمك الله أنه يجب على كل مسلم ومسلمة تعلم الثلاث هذه المسائل والعمل بهن .
Ogoow Allaah kuu naxariisayee in ay waajib ku tahay Muslim kasta iyo Muslimad kasta  Barashada sedexdaan masaa'il iyo ku camal falidoodaba.
الأولى : أن الله خلقنا ورزقنا
Tan koowaad: in uu Allaah ina abuuray uuna na arzuqay
 ولم يتركنا هملاً
uusanna nooga tagin macno  daro (shaqo la'aan)

بل أرسل إلينا رسولاً
bal wuxuu inoo soo diray Rasuul,
 فمن أطاعه دخل الجنة
qofkii adeeca Rasuulka (oona dhinta asigoo adeecaayo Rasuulka) qofkaasi jano ayuu galay,
ومن عصاه دخل النار .
qofkiise caasiya Rasuulka ( kuna dhinta caasinimadiisa )  qofkaasi naar ayuu galay.
والدليل قوله تعالى :
Daliilkana waa qowlkii Allaah kor ahaayee :
 ﴿ إنا أرسلنا إليكم رسولاً شاهداً عليكم ،
 (( waxaan idin soo dirnay Rasuul idinku markhaati furo (in uu idin soo gaarsiiyay fariintii uu Allaah xagiisa idin kagakeenay)
 
كما أرسلنا إلى فرعون رسولاً
Sidii aan Fircoon ugu dirnay Rasuul ,
فعصى فرعون الرسول فأخذناه أخذاً وبيلا ﴾ سورة المزمل آية : 15 .
 
wuu caasiyay Fircoon Rasuulkii (maxaas ka Raacay) waan qabanay Fircoon qabasho daran)) suuratu al muzamil aayada:15aad.
الثانية : أن الله لا يرضى أن يشرك معه أحد في عبادته
Tan labaad: in uusan Allaah raali ka ahayn in lala wadaajiyo axad cibaadadiisa
 لا ملك مقرب ولا نبي مرسل .

lalama wadaajin karo Allaah Cibaadadiisa Malag la soo dhaweeyay (malag Allaah u dhow) iyo weliba Nabi la soo diray (wixii ka soo harana warkoodaba daa).

والدليل قوله تعالى :
Daliilkana waa qowlkii Allaah sareeyey:
 ﴿  وأن المساجد لله فلا تدعوا مع الله أحداً ﴾ سورة الجن ، آية : 18 .
(( Masaajida Allaah baa iska leh hana kula
Baryina Allaah axadna. )) suuratul jinn aayada :18aad.
الثالثة : أن من أطاع الرسول ووحد الله
Tan sedexaad: in qofkii adeeca Rasuulka scw kaliyeeyana Allaah ( waxdaaniyada Allaah suga)
لا يجوز له موالاة من حاد الله ورسوله
aysan u banaanayn inuu jeclaado qof la colaytamay Allaah iyo Rasuulkiisa
 ولو كان أقرب قريب .
haba ahaado qofkaasi kuwa u dhow kan ugu sii dhow.
والدليل قوله تعالى : ﴿  لا تجد قوماً يؤمنون بالله واليوم الآخر
Daliilkana waa qawlkii Allaah Sareeyey: (( ma helaysid qawm Rumaynayaan Allaah iyo maalinta aakhiro
 يوادون من حاد الله ورسوله
oo jecel cid la colaytantay ( oo khilaaftay ) Allaah iyo Rasuulkiisa,
ولو كانوا آباءهم أو أبناءهم أو إخوانهم أو عشيرتهم
Haba ahaadeen cidaasi aabayaashooda ama wiilashooda ama walaalahooda (xaga nasabka) ama qaraabadooda (qabiilkooda) ,

أولئك كتب في قلوبهم الإيمان ،
kuwaasi ( kuwa rumeeyay Allaah iyo Maalinta aakhiro oo aan qalbiga ka  jeclaanin, xiriirinin kuwa la colaytamay oo khilaafay Allaah iyo Rasuulkiisa haba ahaadeen dadka dad u xiga ) kuwaasi Allaahu wuxuu quluubtooda ku qoray Iimaanka,
 وأيدهم بروح منه

wuxuuna Allaah kuwaasi ku ayiday ( ku taageeray ) nasri      (gargaar ) xagiisa ka ahaaday,
ويدخلهم جنات تجري من تحتها الأنهار
wuxuuna Allaah galinayaa kuwaasi janooyin ay dareerayso hoosteeda wabiyo
 خالدين فيها
weliba ay yihiin kuwo ku waaraya Janadaasi dhexdeeda,
 رضي الله عنهم ورضوا عنه
kuwaasi Allaah wuu ka raali noqday Ayagana way ka raali noqdeen Allaah,

 أولئك حزب الله
kuwaasi ayaa ah Kooxdii Allaah uu jeclaa Xizbullaah,
ألا إن حزب الله هم المفلحون ﴾  سورة المجادلة آية :22 .
hooy kuwa uu Allaah uu jecel yahay ee ah Xizbullaah ayaga kaligood ayaa ah Kuwa liibaanay)). Suuratu almujaadallah aayada : 22aad.
اعلم أرشدك الله لطاعته ،
Ogoow Allaah kuugu hanuuniyee (yacnii haku waafajiyee) daacadiisa (Daaco = waa inaad la timaado wuxuu ku faray wuxuu kuu diidayna aad ka dheeraato),
أن الحنيفية
Diinta toosan ee baadilka ka leexsan ee ah Diinta kaliyeenta
 ملة إبراهيم
ee Diintii Nabi Ibraahiim CS
أن تعبد الله وحده مخلصاً له الدين ،
waa inaad caabudo Allaah kaligiisa weliba adigoo u gaar yeelaya diinta/cibaadada.
وبذلك أمر الله جميع الناس ،
Arinkaa ( oo ah in Allaah kaligii la caabudo ) ayuu Allaah amray dadkoo dhan,
 وخلقهم لها كما قال تعالى :
una abuuray li ajligeeda (darteeda) siduu Allaah koreeyee yiri:
﴿ وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون ﴾   سورة الذاريات آية : 56 ،
Uma abuurin Jinka iyo Insaanka waxaan Cibaadadayda (keliyeentayda) ahayn)) suuratu daariyaat aayada 56aad :
ومعنى يعبدون : يوحدون ،
Way caabudayaan macnaheedana waa : way kaliyeenayaan    (ileen Cibaadada hadii aan Allaah loo kali yeelin Cibaado noqon mayso oo waa Shirki),
وأعظم ما أمر الله به التوحيد ،
Waxa ugu wayn uu Allaah amray waa At-tawxiid (kiliyeentiisa),
وهو إفراد الله بالعبادة
Tawxiidka waa in Allaah loo kaliyeeyo Cibaadada
وأعظم ما نهى عنه الشرك
Waxa ugu wayn uu Allaah reebay waa A-shirki (wadaajin=in Allaah lala wadaajiyo Cibaadadiisa cid kale)
وهو دعوة غيره معه .
Shirkigana waan in cid kale lala baryo Allaah.{Sheekha wuxuu si gaar ah u soo qaatay Baryada maadaama ay tahay wax Allaah loogu shariig yeelo waxa u badan}.
والدليل قوله تعالى :
Waxaana u daliil ah (in uu Allaah keligiisa uu Cibaado Xaq u leeyahay Cidna aanan lala wadaajin karin}Qawlkiisa sareeyey:
﴿  واعبدوا الله ولا تشركوا به شيئاً ﴾  النساء آية 36 .
(( caabuda Allaah waxna ha la wadaajinina)) An-nisaa,a aayada 36aad.
فإذا قيل لك ما الأصول الثلاثة التي يجب على الإنسان معرفتها ؟
Hadii lagu dhaho maxay yihiin sedexda usuul ee waajibka ku ah Insaanka garashadeeda (yacnii inay gartaan waajib ku ah)?
فقل : معرفة العبد ربه ودينه ونبيه محمداً صلى الله عليه وسلم
Waxaad tiraahdaa : (waxaa waajib ku ah Insaanka) inuu garto Rabigiisa iyo Diintiisa iyo Nabigiisa scw
 فإذا قيل لك : من ربك ؟
Hadii lagu yiraahdana : waa kuma Rabigaaga?
فقل : ربي الله الذي رباني وربى جميع العالمين بنعمه
Waxaad tiraahdaa : Rabigeey waa Allaah waana kan i bar baariyay, bar baariyayna dhamaan Caalamiinta (waa wixii Allaah ka soo haray oo dhan) kuna bar baariyay Nicmadiisa.
وهو معبودي ليس لي معبود سواه .
Waana Allaaha aan caabudaayo (keligiisa) ma lihi cid kale oo aan caabudaayo oo iiga sukeeyo.
والدليل قوله تعالى :
Daliilkuna wuxuu yahay (in Allaah u yahay Rabi intii Asiga ka soo hartay waxaa daliil u ah) Qawlkiisa koreeyey :
﴿  الحمدلله رب العالمين ﴾  سورة الفاتحة آية :2 ،
Mahad oo dhan waxaa iska leh Allaaha Caalimiinta Rabigooda ahaaday (Allaah mahadinta wuxuu ku muteestay ayuu inoo sheegay waana inuu yahay Bar baariyaha Caalamiinta) suuratul-faatixa aayada 2aad.
وكل ما سوى الله عالم
Wax kasta oo Allaah ka soo haray waa Caalam
وأنا واحد من ذلك العالم  .
anigana waxaan ahay mid Caalamkaas ka mid ah.
فإذا قيل لك بم عرفت ربك ؟
Hadii lagu yiraahdo maxaad ku garatay Rabigaaga?
فقل : بآياته ومخلوقاته ،
Waxaad tiraahdaa: (waxaan ku gartay Rabigeey) Aaayaatkiisa iyo Makhluuqaadkiisa,
ومن آياته الليل والنهار ، والشمس والقمر ،
Aayaatkiisa waxaa ka mid ah Habeenka iyo Maalinta , iyo Qoraxda iyo Dayaxa,
ومن مخلوقاته السموات السبع والأرضون السبع
Makhluuqaatkiisana waxaa ka mid ah Samaawaatka todobada ah iyo Dhulka todobada ah
وما فيهن وما بينهما .
iyo wixii ku dhex jira iyo wixii u dhexeeya labadooda.
والدليل قوله تعالى :
Daliilkuna (yacnii in Habeenka iyo Maalinta iyo Qoraxda iyo Dayaxa ay yihiin Allaah Aayaatkiisa waxaa daliil u ah) Qowlkii Allaah ee sareeyey :
﴿ ومن آياته الليل والنهار والشمس والقمر
(( Aaayaatka Allaah (jiritaankiisa iyo qudradiisa) waxaa ka mid ah Habeenka iyo Maalinta iyo Qoraxda iyo Dayaxa,
 لا تسجدوا للشمس ولا للقمر
ha u sujuudina Qoraxda iyo Dayaxa
 واسجدوا لله الذي خلقهن
ee u sujuuda Allaaha ayaga abuuray (Qoraxda iyo Dayaxa)
 إن كنتم إياه تعبدون ﴾  سورة فصلت آية : 37
hadii aad tihiin kuwo Allaah keligiisa caabudaayo)) suuratu fusilat aayada : 37 aad.
وقوله تعالى :
Daliilka Makhuluuqaadkiisana waa Qawlkii Allaah koreeyey:
 ﴿ إن ربكم الله الذي خلق السموات والأرض في ستة أيام
(( Rabigiina waa Allaaha ku abuuray Samaawaatka iyo Dhulka lix maalin
 ثم استوى على العرش
Ka dibna ka kor noqday Carshiga,
 يغشى الليل النهار يطلبه حثيثاً
wuxuuna ku daboolaa Habeenkii  Maalinta, wuuna doonaa Habeenkii si deg deg (yacnii Habeenkii wuxuu si deg deg ah u daba socdaa, una daboolaa maalintii),
والشمس والقمر والنجوم مسخرات بأمره
Iyo Qoraxda iyo Dayaxa iyo Xidigaha (intaasi Makhluuqaatka ah ee aayada lagu soo sheegay) waa kuwo ku sakhiran amarka Allaah (yacnii waa kuwo ku shaqeeyo Amarka Allaah),
 ألا له الخلق والأمر
hooy Allaah ayaana iska leh (keligiisa) Abuurida iyo Maamulka (Makhluuqaatkiisa),
تبارك الله رب العالمين ﴾  الأعراف آية : 54 ،

Waxaana Barako batay Allaaha Rabul Caalamiinka ah)). Al –acraaf aayada 54 aad.
   والرب هو المعبود .
Rab-bina waa Midka la Caabudo (ee mutaystay in la caabudo).
والدليل قوله تعالى :
Daliilkuna wuxuu yahay Qawlkii Allaah koreeyey :
﴿ يا أيها الناس اعبدوا ربكم الذي خلقكم
Dadaw caabuda Rabigiina oo ah Kan idin abuuray adinka
 والذين من قبلكم لعلكم تتقون ،
iyo kuwii idinka horeeyay si aad {Allaah}uga baqdaan (Taqwadana waxaa u horeeyo Tawxiidka),
الذي جعل لكم الأرض فراشاً والسماء بناء
Allaahaasoo Dhulka idin kaga yeelay Gogol, Samadiina (idinkaga dhigay) dhismo (idinka sareeya)
 وأنزل من السماء ماء فأخرج به من الثمرات رزقاً لكم
kana soo dejiyay Samada xageeda Biyo , kuna soo bixiyay Biyahaasi sababtooda Mirihii (intaasi Allaah muxuu u sameeyay?) si ay Rizki idinku noqdaan,
 فلا تجعلوا لله أنداداً وأنتم تعلمون ﴾   سورة البقرة آية : 21 ، 22 .
ee ha la mid yeelina Allaah kuwo la mid ah weliba adinkoo og)) (xagiina yaysan ka jirin cid Allaah la mid ah oo Allaah lala meel dhigo) suuratul-baqarah aayada 21,22 aad.
قال ابن كثير رحمه الله تعالى :
Ibnu Kathiir wuxuu yiri Allaahii sareeyey u naxariisayee :
الخالق لهذه الأشياء هو المستحق للعبادة ،
Abuuraha abuuray Ashyaadaan ayaa ah kan Mudan Cibaadada,
وأنواع العبادة التي أمر الله بها مثل الإسلام ، والإيمان ، والإحسان
Waxaana ka mid ah nuucyada Cibaadadaee uu Allaah amray sida Islaamka, iyo Iimaanka, iyo Ixsaanka
ومنه الدعاء ، والخوف ، والرجاء ، والتوكل ،
Waxaana ka mid ah Cibaadada Baryada, iyo Cabsida, iyo Rajada, iyo Tala saaradka,
 والرغبة ، والرهبة ،
iyo Rajada (Raghba waa Rajo ay la socoto raadin wixii aad Allaah ka rajaynaysid), iyo Cabsida (Rahba waa Cabsida ay la socoto inaad ka cararto wixii aad ka baqanaysay),
 والخشوع ، والخشية ،
iyo Khushuuca(in qalbiga Allaah loo jebiyo oo loo duleeyo), iyo Cabsida(Khashya waa Cabsida Cilmiga ku dhisan),
 والإنابة ، والاستعانة ، والاستعاذة ، والاستغاثة ،
iyo Unoqosho (in uu qofka Allaah uu u soo noqdo), iyo Kaalmeesasho, iyo Magan galka,iyo Gar-gaar waydiisho,
 والذبح، والنذر ، وغير ذلك من أنواع العبادة التي أمر الله بها كلها لله تعالى
iyo Gowraca, iyo Nadarka, iyo waxaa kaloo ka mid intii la soo sheegay waxaan ahayn oo ka mid ah Cibaadada uu Allaah amray dhamaantooda Allaahii Sareeyey ayaa iska leh.
والدليل قوله تعالى: ﴿  وَأَنَّ الْمَسَاجِدَ لِلَّهِ فَلا تَدْعُو مَعَ اللَّهِ أَحَداً ﴾  (الجـن:18)
Daliilkuna waa Qawlkii Allaah koreeyay: ( Masaajidiina (Meel kastoo Allaah lagu caabudo, ama xubnaha Allaah loogu sajuudo) Allaah ayaa iska leh ee hakula baryina Allaah cidna) al-jini aayada 18,
     فمن صرف منها شيئاً لغير الله فهو مشرك كافر ،
qofkii u leexiya wax Cibaadada ka mid ah cid aan Allaah ahayn waa Mushrik Gaal ah qofkaasi, (Sheekha wuxuu inoo keenayaa intii Cibaadada ka mid ahayd uu soo sheegay mid kasta  Daliilkeeda ayuu hada na siinayaa, wuxuuna ka bilaabayaa Baryada)
والدليل قوله تعالى:
daliilkuna waa Qawlkii Allaah koreeyey:
﴿ وَمَنْ يَدْعُ مَعَ اللَّهِ إِلَهاً آخَرَ
{Qofkii barya Allaah la jirkiisa ilaah kale ( yacnii qofka asigoo Allaah baryaaya hadana cid kale barya qofkii saas yeela)  
 لا بُرْهَانَ لَهُ بِهِ
wax daliil ah u heli maayo,
فَإِنَّمَا حِسَابُهُ عِنْدَ رَبِّهِ
xisaabtiisana waa uun Rabigiisa agtiisa,
 إِنَّهُ لا يُفْلِحُ الْكَافِرُونَ﴾    (المؤمنون:117)
arinkuna wuxuu yahay kuwa Gaalada ma liibaanayaan} Al-mu,minuun aayada: 117aad.
وفي الحديث: "الدعاء مخ العبادة" .
Xadiithna waxaa ku soo arooray : " Ducadu waa Dhuuxa Cibaadada".
والدليل قوله تعالى:
Waxaa kale Daliil u ah Baryada Qawlkii Allaah koreeyey:
 ﴿ وَقَالَ رَبُّكُمُ ادْعُونِي أَسْتَجِبْ لَكُمْ
{wuxuuna yiri Rabigiina i barya aan idin ajiibee,
 إِنَّ الَّذِينَ يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِي
kuwa iska wayneeya Cibaadadayda
 سَيَدْخُلُونَ جَهَنَّمَ دَاخِرِينَ ﴾ (غافر:60)
waxay gali doonaan Naarta Jahanama weliba ayagoo dulaysan} Al-ghaafir : aayada 60 aad.

ودليل الخوف قوله تعالى:
Daliilka Cabsidana waa Qawlkii Allaah koreeyee :
﴿ فَلا تَخَافُوهُمْ وَخَافُونِ إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ ﴾ ،
(آل عمران:الآية175).
(haka baqanina kuwa Gaalada ah ee Aniga kaligay iga baqda hadii aad tihiin Mu,miniin} Aala-Cimraan aayada : 175 aad.
ودليل الرجاء قوله تعالى:
Daliilka Rajadana waa Qawlkii Allaah sareeyee :
﴿ فَمَنْ كَانَ يَرْجُوا لِقَاءَ رَبِّهِ
(qofkii ahaaday mid rajaynaayo la kulanka Rabigiisa
فَلْيَعْمَلْ عَمَلاً صَالِحاً
ha sameeyo Camal wanaagsan (camalka wanaagsan waa kan 2 shardi laga helo, kow in Nabi Muxammed scw looga dayanaayo, iyo labo waa in Allaah dartiis loo sameenaayo)
 وَلا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِ أَحَداً ﴾ (الكهف:الآية110).
yuuna la wadaajinin Cibaadada Rabigiisa Midna)Al-kahf aayda 110 aad.
ودليل التوكل قوله تعالى:
Daliilka Tawakal kana waa Qawlkii Allaah sareeyey :
 ﴿ وَعَلَى اللَّهِ فَتَوَكَّلُوا إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ ﴾  (المائدة:الآية23) ،
(Allaah tala saarta hadii aad tihiin Mu,miniin) Almaaidah aayada 23 aad,
وقال: ﴿ وَمَنْ يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ ﴾  (الطلاق:الآية3).
wuxuu yiri Allaah (Ruuxii tala saarta Allaah wuu ku filan yahay Allaah ruuxaasi talo saartay) A-dhalaaq aayada 3 aad.
ودليل الرغبة  والرهبة  والخشوع  قوله تعالى:
Daliilka Rajada iyo Cabsida iyo Khushuuca waa Qawlkiisa Sareeyey :
 ﴿ إنهم كانوا يسارعون في الخيرات
{waxay ahaayeen kuwo u deg dega Khayraatka (samayntiisa)
 ويدعوننا رغبا ورهباً وكانوا لنا خاشعين ﴾  {سورة الأنبياء، الآية: 90}.
oo na Nabaryaan Rajo awgeed (Naxariista Rabigooda ay Rajaynayaan) iyo Cabsi awgeed( ay Carada Allaah ka baqaayaan), waxayna noo ahaayeen kuwo noo khushuucsan( Cida ay u khushuucaayeen waa Allaah keligiisa) suuratul-Anbiyaa aayada 90aad .
ودليل الخشية قوله تعالى:
Daliilka Cabsidana waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
 ﴿ فلا تخشوهم واخشوني﴾  {سورة البقرة، الآية: 150}
{ hana ka cabsanina (Gaalada) ee Aniga keligay iga cabsada (ayuu Allaah yiri),)suuratul-Baqara aayada 150 aad.
ودليل الإنابة قوله تعالى :
Daliilka Soo noqoshadana (in Dambiga laga soo noqdo Allaahna loo soo noqdo inay Cibaado tahayna waxaa daliil u ah )Qawlkii Allaah sareeyey:
 ﴿ وَأَنِيبُوا إِلَى رَبِّكُمْ وَأَسْلِمُوا لَهُ ﴾ (الزمر:الآية54).
{Una noqda Rabigiina Una hogaamsama Rabigiina}Alzumr aayada 54 aad.
 ودليل الاستعانة قوله تعالى :
Daliilka Kaalmaysigana waa Qawlkii Allaah sareeyey:
﴿ إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ ﴾ (الفاتحة:5)
{Keligaaga uun baan ku caabudaynaa Keligaaga uun baan ku kaalmo waydiisanaynaa}Al-faatixa aayda 5aad.
 وفي الحديث " إذا استعنت فاستعن بالله" .
Xadiithna waxaa ku soo arooray " Hadii aad Cid kaalmaysanaysid Allaah kaalmayso".
ودليل الاستعاذة قوله تعالى :
Daliilka Magan galyadana waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
﴿ قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ﴾ (الفلق:1) ,
{Waxaad tiraahdaa waxaan Magan galeyaa Rabiga Waaga dilaacay} Al-falaq aayada 1aad.
و ﴿ قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ ﴾ (الناس:1) .
( waxaad tiraahdaa waxaan Magan galay Rabiga Dadka} Al-naas aayada 1 aad.
ودليل الاستغاثة قوله تعالى :
Daliilka Gar-gaar dalabkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
 ﴿إِذْ تَسْتَغِيثُونَ رَبَّكُمْ فَاسْتَجَابَ لَكُمْ ﴾ (لأنفال:الآية9)
 ( Xusuusta markaad ka Gar-gaar waydiisanayseen Rabigiina oo uu idinka Ajiibay} Al-anfaal aayada 9aad:
ودليل الذبح قوله تعالى :
Daliilka Gawracana waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
﴿ قُلْ إِنَّ صَلاتِي وَنُسُكِي
{waxaad tiraahdaa Salaadayda iyo Gawracayga
 وَمَحْيَايَ وَمَمَاتِي
iyo Noloshayda iyo Gayridayda
 لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ *
waxay usugnaatay Allaaha Rabil Caalamiinka ah,
لا شَرِيكَ لَهُ) (الأنعام:الآية162-163)
Cid la wadaagtaana ma jirto} Al-ancaam aayada : 162-163 aad.
 ومن السنة : "لعن الله من ذبح لغير الله".
Sunnadana waxaa ku soo aroortay "Allaah lacanadyaa Cidii u gawracda Cidaan Allaah ahayn".
 ودليل النذر  قوله تعالى :
Daliilka Nadarkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey wuxuu yiri asigoo amaanaayo Ahlu Janaha kana waramaayo asbaabta ay ku galayaan Janadiisa wuxuu yiri:
 ﴿ يُوفُونَ بِالنَّذْرِ
(waxay  oofiyaan Nadarka
وَيَخَافُونَ يَوْماً كَانَ شَرُّهُ مُسْتَطِيراً ﴾    (الإنسان:7).
waxayna ka baqana yaan Maalin uu ahaaday Shartiisa mid balaaran) Al-insaan aayda 7aad.
Sedexdii Usuul ee kitaabka ka hadlaayay waxaan inoo dhamaaday qodobkii koowaad ee ahaa Man Rabuka? Hadana waxaa meesheen nooga bilaabanaayo qodobkii labaad oo ah Maa Diinuka?.
الأصل الثاني : معرفة دين الإسلام بالأدلة وهو: الاستسلام لله بالتوحيد .
Asalka labaad waa : In garasho loo yeeshto Diinta weliba si daliil wadato (Kitaabka iyo Sunada Daliil looga heesto) Islaamkuna waa: in Allaah loogu  hogaansamo (laysugu dhiibo) Tawxiidka (Keliyeen).
والانقياد له بالطاعة ،
waana inuu qofka Allaah ugu hogaansama Adeecid,
 والبراءة من الشرك وأهله  ؛
iyo Kaberi noqosho uu ka beri noqonaayo Shirkiga iyo Ehelkiisa,
وهو ثلاث مراتب :
Islaamkana waa sedex maraatib (heerar) oo kala ah:
 الإسلام ، والإيمان والإحسان،
Islaamka
, iyo Iimaanka iyo Ixsaanka,
 وكل مرتبة لها أركان
martabad walbana waxay leedahay Arkaan
فأركان الإسلام خمسة  :
Arkaanta Islaamka (Tiirarka Islaamka uu ku taagan yahay) waa Shan :
شهادة أن لا إله إلا الله وأن محمد رسول الله  ،
In la qiro lagana marqaati kaco in uusan jirin Allaah Xaq lagu caabudo aan Allaah ahayn, Muxammedna uu yahay Fariin sidihii Allaah,
وإقام الصلاة ، وإيتاء الزكاة
Iyo in la oogo Salaada, iyo in lala yimaado  Zakada,
 وصوم رمضان ، وحج بيت الله الحرام.
iyo in la soomo Ramadaan, iyo in loo xajiyo Gurigii Allaah ee Xurmada badnaa.
Shantii tiir ee Islaamka ayuu Sheekha mid walba daliil u keenayaa.
فدليل الشهادة قوله تعالى :
Daliilka Shahaadadana waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
﴿ شَهِدَ اللَّهُ أَنَّهُ لا إِلَهَ إِلَّا هُوَ
 ( Allaah wuxuu qiray uu cadeeyey uu sheegay uu marqaati kacay (intaba waa lagu fasiray)  inuusan jirin Allaah Xaq lagu caabudo aan Asiga ahayn,
وَالْمَلائِكَةُ
Malaa'igtiina sidaasi ayay ku  marqaati kacday
 وَأُولُو الْعِلْمِ
iyo Kuwa Cilimga leh ayagana sidaasi (in Allaah Xaq lagu Caabudo aan Allaah ahayn inuusan jirin) ayay marqaati kaceen,
 قَائِماً بِالْقِسْطِ
Allaahna waa Mid u taagan Cadaalad,
لا إِلَهَ إِلَّا هُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ ﴾ (آل عمران:18)
ma jiro Allaah Xaq lagu Caabudo Asiga mooyee waana Adkaade Falsan) Aala-Cimraan aayada 18aad.

ومعناها:
Laa ilaaha illallaahu macnaheedu waa :
لا معبود بحق إلا الله ؛
 ma jirto Cid Xaq lagu Caabudo Allaah mooyaanee,
"لا إله" نافياً جميع ما يعبد من دون الله
"Laa ilaaha " waa diidmo la diidaayo dhamaan wax kasta oo la Caabudo oo ka soo haray Allaah
" إلا الله" مثبتاً العبادة لله وحده
"illallaahu" waa sugid Cibaadada loo sugaayo Allaah keligiisa
لا شريك له في عبادته ،
Cid la wadaagtana ma jirto Allaah Cibaadadiisa,
 كما أنه لا شريك له في ملكه  .
sida uu san u lahayn Cid la wadaatga Mulkigiisa.
وتفسيرها الذي يوضحها قوله تعالى :
Laa ilaaha illallaahu tafsiirkeedana waxa cadeenaayo waa Qawlkiisa  Sareeyey :
﴿ وَإِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ
{ Xus waqti uu (Nabi) Ibraahiim ku yiri Aabihiisa iyo Qawmkiisa
 إِنَّنِي بَرَاءٌ مِمَّا تَعْبُدُونَ *
aniga bari ayaan ka ahay waxaad Caabudaysaan (oo dhan)
 إِلَّا الَّذِي فَطَرَنِي
Allaahii i abuuray mooyaanee,
 فَإِنَّهُ سَيَهْدِينِ
Asiga ayaana i hanuunin doono (Xaqa i tusin doona),

 وَجَعَلَهَا
wuxuuna ka dhigay (Ibraahiim cs) Kalimadaasi (Tawxiidka)
كَلِمَةً بَاقِيَةً فِي عَقِبِهِ
Kalimad baaqi ku ah  Duriyadiisa dhexdeeda (Dadkii Asiga ka farcamay)
 لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ ﴾ . سورة الزخرف آية : 26 ، 27 ، 28 ،
si ay ugu soo noqdaan (Tawxiidka)}. Suurada Al-zukhruf aayadaha 26,27,28.
وقوله: ﴿ قُلْ  يَا أَهْلَ الْكِتَابِ
Waxaa kaloo Daliil u ah Qawlkii Allaah sareeyee : { Waxaad dhahdaa (Nabiyaw) Ahli Kitaaboow
 تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ
u kaalaya Kalimad
 سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ
aan u simanahay anaga iyo adinkaba oo ah
أَلَّا نَعْبُدَ إِلَّا اللَّهَ
inaynaan caabudin Allaah mooyee,
 وَلا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئاً
oo aynaan u shariik yeelin (Allaah) waxba,
 وَلا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضاً أَرْبَاباً مِنْ دُونِ اللَّهِ
kana yeelanin qaarkeen qaarka kale Rabiyaalo Allaah sukadiisa,
 فَإِنْ تَوَلَّوْا  فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ   ﴾  { آل عمران: 64}.
haday jeedsadaana waxaad dhahdaan marag ka ahaada inaan anaga Muslimiin nahnay} Aala-Cimraan aayda 64.
ودليل شهادة أن محمداً رسول الله قوله تعالى:
Daliilka Shahaadatu anna Muxammeda Rasuulullaah na waa Qawlkii Allaah Sareeyey:

﴿ لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُولٌ مِنْ أَنْفُسِكُمْ
{ Dhab ahaantii waxaa idin yimid Rasuul idinka mid ah
 عَزِيزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ
ayna ku daran tahay (ay dhibayso) waxa idin dhibaayo,
 حَرِيصٌ عَلَيْكُمْ
idinkuna dadaalaayo (inaad hanuuntaan),
 بِالْمُؤْمِنِينَ رَؤُوفٌ رَحِيمٌ ﴾ (التوبة:128) .
una turid iyo naxariis badan  oo kaliya Mu'miniinta} Al-tawba aayada 128 aad.
ومعنى شهادة أن محمداً رسول الله:
Macnaha in la marag furo in Muxammed Rasuulkii Allaah hayana waa :
 طاعته فيما أمر ،
in lagu adeeco wuxuu amray,
 وتصديقه فيما أخبر ،
iyo in laga rumaysto wuxuu sheegay,
 واجتناب ما عنه نهى وزجر،
iyo in laga fogaado wixii uu dadka uu ka reebay uuna ka eryay,
 وأن لا يعبد الله إلا بما شرع
iyo inaan Allaah lagu caabudin wuxuu sharciyeeyay mooyaanee
ودليل الصلاة ، والزكاة  ، وتفسير التوحيد قوله تعالى:
Daliilka Salaada, iyo Zakada, iyo Tafsiirka Tawxiidka waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
﴿ وما أمروا إلا ليعبدوا الله
 lama amrin(Dadkana)  inay Allaah caabudaan mooyaanee
 مخلصين له الدين
weliba ayagoo u barax tiraayo diinka (Cibaadada)
 حنفاء
ayagoona ah kuwo shirkiga ka soo leexanaayo (oo xaga Tawxiidka u soo leexanayaan),
 ويقيموا الصلواة ويؤتوا الزكاة
iyo in ay Salaada oogaan, iyo inay bixiyaan Zakada,
 وذلك دين القيمة ﴾ {سورة البينة، الآية: 5}
arinkaasina waa Diinta toosan.}Suuratul-bayinah ayada 5aad
ودليل الصيام  قوله تعالى:
Daliilka Soonkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
 ﴿ يأيها الذين ءامنوا كتب عليكم الصيام
{Kuwa (Xaqa) rumeeyoow waxaa la idinku waajibiyay Soonka
 كما كتب على الذين من قبلكم
sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horeeyey
 لعلكم تتقون ﴾   {سورة البقرة الآية: 183}
si aad Allaah uga cabsataan} Suuratul-Baqara aayda 183aad.
ودليل الحج   قوله تعالى:
Daliilka Xajkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
 ﴿ ولله على الناس حج البيت
{Allaahna wuxuu ku leeyahay Dadka inay xajiyaan Baytka
  مَنِ اسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلاً
Cidii awooda Wadada (Ruuxii awood u leh waa ku waajib hal jeer inta uu nool yahay),
وَمَنْ كَفَرَ فَإِنَّ اللَّهَ غَنِيٌّ عَنِ الْعَالَمِينَ ﴾ (آل عمران:الآية97).
Ruuxii Gaaloobana Allaah wuu ka deeqtoon yahay Caalamka.}Aala-Cimraan aayada 97.
المرتبة الثانية : ،الإيمان ،
Martabada labaad waa : Iimaanka,
وهو بضع  وسبعون شعبة ،
waana dhowr iyo todobaatan laamood,
 فأعلاها قول لا إله إلا الله
waxaana ugu sareeyo Qawlka laa ilaaha ilallaahu,
 وأدناها إماطة الأذى عن الطريق،
waxaana ugu hooseeyo in laga leexiyo  wixii Dadka dhibaayo Wadada,
 والحياء  شعبة من الإيمان، .
Xishoodkana waa qayb ka mid ah Iimaanka .
وأركانه ستة :
Tiirarkiisuna waa lex :
 أن تؤمن بالله، وملائكته، وكتبه،
inaad rumayso Allaah, iyo Malaa'igtiisa, iyo Kutubtiisa,
 ورسله، واليوم الآخر، وتؤمن بالقدر خيره وشره  
iyo Rusushiisa, iyo waa inaad rumayso Qadarka  Kiisa wanaagsan iyo Kiisa xun
والدليل على هذه الأركان الستة قوله تعالى:
Waxaana u Daliil ah lixdaan Arkaan Qawlkii Allaah Sareeyey :
﴿ لَيْسَ الْبِرَّ أَنْ تُوَلُّوا وُجُوهَكُمْ قِبَلَ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ
Ma ahan Sama falku inaad u jeedisaan wejiga Qorax ka soo bax iyo Qorax u dhac
 وَلَكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ
laakiinse sama falku waa Cidii Allaah rumeesa, iyo Maalinta Aakhiro,
 وَالْمَلائِكَةِ وَالْكِتَابِ وَالنَّبِيِّينَ﴾ (البقرة:177)
iyo Malaa'igta, iyo Kutubta, iyo Anbiyada) Al-baqarah aayda 177 aad.
ودليل القدر قوله تعالى:
Daliilka Qadarkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
 ﴿ إِنَّا كُلَّ شَيْءٍ خَلَقْنَاهُ بِقَدَرٍ﴾ (القمر:49) ،
{ wax kasta waxaan ku abuurnay Qadar} Al-qamar aayda 49 aad.
المرتبة الثالثة: الإحسان، ركن واحد وهو
Martabada sedexaad waa : Ixsaanka, wuxuuna leeyahay hal rukni wuxuuna yahay:
 " أن تعبد الله كأنك تراه
"Inaad u caabudid Allaah sidii adigoo arkaayo oo kale,
 فإن لم تكن تراه فإنه يراك"
hadii aadan arkaynin Allaah asiga ayaa ku arka"
والدليل قوله تعالى:
Daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
﴿ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الَّذِينَ اتَّقَوْا وَالَّذِينَ هُمْ مُحْسِنُونَ﴾ (النحل:128)  ،
{ Allaah wuxuu la jiraa kuwa ka Cabsada iyo kuwa Allaah u caabuda sida ayagoo arkaayaan oo kale}Al-naxal:128
وقوله :
Waxaana Daliilka ka mid ah Qawlkii Allaah Sareeyey:
﴿ وَتَوَكَّلْ عَلَى الْعَزِيزِ الرَّحِيمِ *
(Talo saaro Allaah Adkaada ee Naxariista *
 الَّذِي يَرَاكَ حِينَ تَقُومُ *
eena ku arka markaad kacaysid,*
 وَتَقَلُّبَكَ فِي السَّاجِدِينَ *
iyo ku dhex gad gadoonkaaga kuwa tukanaayaan,*
 إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ ﴾ (الشعراء:217 - 220) .
Allaahna waa Maqal badane Ogaal badane) Al-shucaraa: aayada217-220.
وقوله :
Waxaana Daliilka ka mid ah Qawlkii Allaah Sareeyey:
 ﴿ وَمَا تَكُونُ فِي شَأْنٍ وَمَا تَتْلُو مِنْهُ مِنْ قُرْآنٍ
{ ma ahaatid (Nabiyaw) arin dhexdiisa(arin Diimeed ama mid Aduunyo), umana aqrisid Qur,aan arinkaa dartii,
 وَلا تَعْمَلُونَ مِنْ عَمَلٍ
Camalna ma samaysaan (Muslimiineey iyo Nabiyow) hadii aad saas sameesaan (oo arin dhexdiisa aad ahaato ama arinkaa daraadiisa aad Qur,aan u aqriso ama camal uun aad la timaadaan aad samaysaan , intaasi hadii aad samaysaan ama wax ka mid ah maxaa xigaayo?)
إِلَّا كُنَّا عَلَيْكُمْ شُهُوداً إِذْ تُفِيضُونَ فِيهِ ﴾ (يونس:الآية61)
waxaanu dushiina ku ahaanay Kuwo Goobjoogayaal ah oo idinka warhaayo markaad dhex gelaysaan arinkaasi}(Allaah wuxuu si daliil Kalaamkiisa ah inoogu sheegay in wax walba aan samaynayno uu Shaahid ka yahay uuna ogyahay) Suuratu Yuunis aayada 61aad.
والدليل من السنة: حديث جبرائيل المشهور عن عمر رضي الله عنه قال :
Daliilka Sunada ku soo aroorayna (sedexda martabadood ee Diinta Islaamka, Al-Islaamu, Al-Iimaanu iyo Al-Ixsaanu daliilkooda xaga sunadana wuxuu yahay) : Xadiithkii Jibriil cs ee Caanka ahaa (Xadiithka Jabriil ma warinaayo ee Su,aalaha xadiithka ku jira ayuu Nabiga scw waydiinayay si uu Dadka u baro) Cumar uu ka sugnaaday rc wuxuu yiri :
بينما نحن جلوس عند رسول الله صلى الله عليه وسلم ذات يوم
Anagoo la fadhina Rasuulki Allaah scw maalin maalmaha ka mid ah
إذ طلع علينا رجل شديد بياض الثياب ،
Waxaa nagu soo baxay Nin ay darantahay cadaanta dharkiisa,
 شديد سواد الشعر لا يرى عليه أثر السفر
ay daran tahay madawnaanta timihiisa, aan lagu arkin raad safar,
 ولا يعرفه منا أحد،
mid naga mid ah uusan garanaynin,
 حتى جلس إلى النبي صلى الله عليه وسلم
ilaa uu hor fariistay Rasuulka scw
فأسند ركبتيه إلى ركبتيه،
Wuxuu ku tiiriyay labadiisa jilib labada jilib ee Rasuulka scw,
ووضع كفيه على فخذيه وقال:
Wuxuuna dul saaray labadiisa cumaacumood(gacmood) labada cajar ee Rasuulka scw, wuxuuna yiri:
يا محمد أخبرني عن الإسلام ،
Muxammadoow iiga waran Islaamka (Islaamku waa maxay?)
فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم
Wuxuu yiri Rasuulkii Allaah scw
"الإسلام أن تشهد أن لا إله إلا الله
"Islaamku waa inaad marag kacdo inuusan jirin Allaah Xaq lagu caabdu aan Allaah ahayn,
 وأن محمدا رسول الله ،
Muxammedna uu yahay Rasuulkii Allaah,

وتقيم الصلاة ، وتؤتي الزكاة ، وتصوم رمضان ،
Oogtidna  Salaada, lana timaadid Zakada, soontidna Ramadaan,
 وتحج البيت إن استطعت إليه سبيلاً"
iyo aad xijidid Baytka hadii aad u awoodid wado"
قال: صدقت ،
Wuxuu yiri (Jibriil) : waad runsheegtay,
فعجبنا له يسأله ويصدقه.
(Cumar wuxu yiri) waan la yaabnay (ninkaasi) wuu waydiinayaa hadana run baad sheegtay ayuu leeyahay.
قال: فأخبرني عن الإيمان، قال :
Wuxuu yiri (Jibriil): iiga waran Iimaanka, wuxuu yiri Rasuulka scw:
"أن تؤمن بالله وملائكته ، وكتبه ، ورسله،
Waa inaad rumaysaa Allaah iyo Malaa,igtiisa, iyo Kutubtiisa, iyo Rusushiisa,
واليوم الآخر ، وتؤمن بالقدر خيره وشره" ،
iyo Maalinta Aakhiro, iyo inaad rumaysaa Qadarka kiisa wanaagsan iyo kiisa xunba".
قال: صدقت ، قال: فأخبرني عن الإحسان ،
Wuxuu yiri (Jibriil): waad runsheegtay, wuxuu yiri (Jibriil): iiwaga waran Ixsaan xagiisa,
قال: "أن تعبد الله كأنك تراه ،
Wuxuu yiri Rasuulka scw: waa inaad u caabudid Allaah sidii adigoo arkaayo oo kale,
 فإن لم تكن تراه فإنه يراك" ،
hadii aadan arkaynin (ku xisaabtan) asigaa ku arkaayo",
قال : فأخبرني عن الساعة ،
Wuxuu yiri (Jibriil cs): iiga waran Saacada (Qiyaamaha) xageeda?
 قال ما المسئول عنها بأعلم من السائل ،
Wuxuu yiri (Rasuulka scw) ma ahan kan laga waydiinaayo Saacada mid kaga aqoon badan midka waydiinaayo (yacnii wax kama ogi)
 قال : فأخبرني عن أماراتها
Wuxuu yiri (Jibriil cs) iiga waran Calaamadaheeda
قال: "أن تلد الأمة ربتها،
Wuxuu yiri (Rasuulka scw): inay dhasho Adoonta Sayidkeeda,
وأن ترى الحفاة
Iyo inaad aragtid kuwa kabaha la,
 العراة
ee qaa-qaawan
 العالة
ee cayrta ah (fuqarada ah)
 رعاء الشاءِ
ee ari jirka ah
 
يتطاولون في البنيان"
oo u kala dheereenayaan (isugu faanayaan) dhismayaasha"
قال: فمضى فلبثنا ملياً فقال:
Wuxuu yiri (Cumar rc): wuu dhaqaaqay (Ninkii) waynu nagaanay wax yar (yancii wax yar iyadoo ay ka soo wareegtay dhaqaadidii ninka) ayaa wuxuu yiri (Rasuulkii scw):
"ياعمر أتدري من السائل"؟
"Cumaraaw ma garanaysaa qofkii su,aalaha i waydiinayay?
قلت : الله ورسوله أعلم،
Waxaan dhahay: Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa og,
قال: " هذا جبريل أتاكم يعلمكم أمر دينكم"(57).
Wuxuu yiri (Rasuulka scw): waa Jibriil oo idinku yimid inuu idin baro arinka Diinkiina"}.
الأصل الثالث : معرفة نبيكم محمد صلى الله عليه وسلم وهو :
Asalka sedexaad (waa sedexdii asal ee uu kitaabka ku saabsanaa kiisii u dambeeyay) waa garasho Nabigiina Muxammed scw aad garataan, waana (Abtirsiimihiisa)
 محمد بن عبد الله بن عبد المطلب بن هاشم وهاشم من قريش، وقريش من العرب، والعرب من ذرية إسماعيل، إبن إبراهيم الخليل، عليه وعلى نبينا أفضل الصلاة والسلام .
Muxammed Bin Cabdullaahi Bin Cabdulmudalib Bin Haashim, Haashimna Quraysh ayuu ka mid yahay, Qurayshna Carab ayay ka mid tahay, Carabna waa Durayadii(Dadkii ka farcamay) (Nabi) Ismaaciil cw, Inankii (Nabi) Ibraahiim Al-khaliil, ha ahaato korkiisa (Nabi Ibraahiim) iyo Nabigeena (Muxammed) korkiisa Naxariis iyo Nabad galyo mida ugu dheeraadka badan.
وله من العمر: ثلاث وستون سنة ،
Cimrigiisa wuxuu gaaray Rasuulka scw): sedex iyo lixden sano,
 منها أربعون قبل النبوة ،
waxaa ka mid ah afartan sano Nabinimada ka hor,
 وثلاث وعشرون نبياً ورسولاً
Iyo sedex iyo labaatan sano uu ahaa Nabi iyo Rasuul,
نبيء بإقرأ ،  
Waxaa Nabi lagaga dhigay Iqra (yacnii markii ay ku soo degtay suuratada  iqra bilawgeeda markaas ayuu nabi noqday),
 وارسل بالمدثر ،  
waxaana lagu soo diray Mudathir (yacnii markii ay ku soo degtay aayadaha  hore ee suuratul-Mudathir markaas ayuu Rasuul noqday),
 وبلده مكة ،
Beledkiisa wuxuu ahaa Makkah
 وهاجر إلى المدينة.
, wuxuuna u haajiray Madiinah.
بعثه الله بالنذارة عن الشرك ،
wuxuu u soo saaray Allaah  Rasuulka scw inuu (Dadka) kaga digo Shirkiga,
ويدعو إلى التوحيد  .
Uguna yeero (Dadka) Tawxiidka.
والدليل قوله تعالى:
Daliilkuna waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
 ﴿ يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ *
{Nabiga is dadadayoow*
 قُمْ فَأَنْذِرْ  *
istaag oo dig*
 وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ *
Rabigaagana waynee*
 وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ
dharkaagana daahiri
وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ *
Xumaantana (Shirkiga iyo Asnaamta) ka haajir *
 وَلا تَمْنُنْ تَسْتَكْثِرُ*
hana mana sheeganin adiga ooy kuula badan tahay waxaad sameesay *
 وَلِرَبِّكَ فَاصْبِرْ ﴾ (المدثر:1 - 7)
Rabigaana u Samir) Al-Mudathir aayad 1-7.
ومعنى  قم فأنذر  : ينذر عن الشرك ويدعو إلى التوحيد .
Macnaha {Kac oo dig}na waa : inuu ka digo Shirkiga uguna yeero (Dadka) Tawxiidka.
وربك فكبر  أي : عظمه بالتوحيد،
{Rabigaaga wayneeyna} macnaheeda waa: ku waynee Rabigaaga Tawxiidka,
وثيابك فطهر  أي : طهر أعمالك عن الشرك.
{Dhargaagana daahiri}macnaheeduna waa: ka daahiri Acmaashaada (waxaa aad qabanaysid) Shirkiga.
وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ  الرجز: الأصنام وهجرها تركها ،
{Sanamyadana ka haajir} Ar-rujz macnaheedana waa: Asnaamta
(Wa hajruhaa) na macanaheedu waa (tarkuhaa) ka tagideeda (yacnii in laga tago Asnaamta),
 والبراءة منها وأهلها.
ٍ iyo in laga beri noqdo Asnaamta iyo Ehelkeeda.
أخذ على هذا عشر سنين يدعو إلى التوحيد
Wuxuu ku qaatay (Rasuulka scw) arinkaan toban sano inuu Tawxiidka (Dadka) ugu yeero
 وبعد العشر عرج به إلى السماء
Tobanka (sano) ka dibna waxaa loo qaaday Rasuulka scw Samada
وفرضت عليه الصلوات الخمس،
Waxaana lagu soo waajibiyey Shanta Salaadood,
وصلى في مكة ثلاث سنين
Makko wuxuu ku dukaday (Rasuulka scw) sedex sano
وبعدها أمر بالهجرة  إلى المدينة .
Ka dibna waxaa la amray inuu u haajiro xagaa iyo Madiinah.
والهجرة : الإنتقال من بلد الشرك إلى بلد الإسلام
Hijradana waa : ka guuritaan laga guuro Balad Shirki loona guuro Balad Islaam
والهجرة فريضة على هذه الأمة
Hirjadana waa ku waajib umadaan dusheeda
 من بلد الشرك إلى بلد الإسلام ،
  inay ka hijroodaan Balad Shirki una hijroodaan Balad Islaam,
وهي باقية إلى أن تقوم الساعة .
Hijradana waa mid baaqi ah oo sii jiraysa ilaa ay ka dhacqo Saacada
والدليل قوه تعالى: ﴿ إِنَّ الَّذِينَ تَوَفَّاهُمُ الْمَلائِكَةُ
Daliilkana waa Qawlkii Allaah T: {kuwa ay oof sanayso Malaa,igta
ظَالِمِي أَنْفُسِهِمْ
Ayagoo nafsadahooda dulmiyay
قَالُوا فِيمَ كُنْتُمْ
Waxay yiraahdeen (Malaa,igta) maxaad ku sugneedeen
قَالُوا كُنَّا مُسْتَضْعَفِينَ فِي الْأَرْضِ
Waxay dhaheen waxaanu ahayn kuwo lagu tabar yareeyey Dhulka
قَالُوا
(Malaa,igtii) waxay yiraahdeen
أَلَمْ تَكُنْ أَرْضُ اللَّهِ وَاسِعَةً
miyaysan ahayn Arlada Allaah mid balaaran
 فَتُهَاجِرُوا فِيهَا
oo aad u haajirtaan (kuwii ayagoo haajiri kara hijroon waayeen muxuu Allaah ku sheegay ? Waatanaa jawaabta)
فَأُولَئِكَ مَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ وَسَاءَتْ مَصِيراً *
Kuwaasi meesha ay u hoyanaayaan waa Jahanamo meel loo noqdana Jahanama ayaa u xumaatay*
إِلَّا الْمُسْتَضْعَفِينَ
Marka laga reebo kuwa aantabarta lahayn
 مِنَ الرِّجَالِ وَالنِّسَاءِ وَالْوِلْدَانِ
  oo ka mid ah Raga iyo Dumarka iyo Caruurta
لا يَسْتَطِيعُونَ حِيلَةً وَلا يَهْتَدُونَ سَبِيلاً *
Ee aan awoodin Xeelad (ay kaga baxaan dhulka Gaalada) kuna toosi karin Jidka ( Qaab ay wadamada Islaamka ay ku gaaraan aan awoodin kuwaani Allaah ayaa u cudur daaray oo wuxuu yiri)
فَأُولَئِكَ عَسَى اللَّهُ أَنْ يَعْفُوَ عَنْهُمْ
Kuwaasi Allaah wuxuu mudan yahay inuu ka Cafiyo
 وَكَانَ اللَّهُ عَفُوّاً غَفُوراً) (النساء:97 - 99)  
Allaahna wuxuu ahaaday Mid Cafis badan oo Dambi dhaafid badan.}Al-nisaa 97-99
وقوله تعالى :
(Waxaa kaloo Daliil u ah in hijradu ay waajib tahay) Qawlkii Allaaha Sareeyey:
﴿ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ آمَنُوا
{Adoomadaydiyeey Kuwa Xaqa Rumeeyow
 إِنَّ أَرْضِي وَاسِعَةٌ فَإِيَّايَ فَاعْبُدُونِ ﴾ (العنكبوت:56)
Arladayda way balaaran tahay ee Aniga Keligay  I caabuda} Al-Cankabuut :56
 قال البغوي - رحمه الله تعالى -:
Wuxuu yiri Albagawiyo rx :
 سبب نزول هذه الآية في المسلمين الذين بمكة لم يهاجروا ؛
sababta ay ku soo degtay aayadaani waa Muslimiintii Makka joogtay oo aan hijroonin,
ناداهم الله باسم الإيمان .  
Allaah wuxuu ugu dhawaaqay kuwaasi magaca Iimaanka
والدليل على الهجرة من السنة قوله صلى الله عليه وسلم :
Daliilka Hijrada ku soo arooray ee dhanka Sunadana waa Qawlkii Rasuulka scw wuxuu yiri:
 لا تنقطع الهجرة حتى تنقطع التوبة
"Hijradu go,i mayso ilaa ay Tawbada ka go,do,
 ولا تنقطع التوبة حتى تطلع الشمس من مغربها"  .
Tawbadana (si guud) uma xirmayso ilaa ay Qoraxda ka soo baxdo halka ay u dhacdo".
فلما استقر بالمدينة
Markuu Rasuulka scw nagaaday (sal dhigtay) Madiinah
 أمر ببقية شرائع الإسلام مثل:
waxaa la amray Axlaamka Islaamka intii harsanayd sida:
الزكاة، والصوم، والحج، والجهاد والآذان،
Zakada, iyo Soonka, iyo Xajka, iyo Jihaadka iyo Aadaanka,
 والأمر بالمعروف
iyo Wanaag farida
والنهي عن المنكر
iyo Xumaan reebida
وغير ذلك من شرائع الإسلام
iyo wixii kaloo aan intaasi ahayn oo ka mid ah Sharaa,icda Islaamka
أخذ على هذا عشر سنين
Wuxuu ku qaatay arinkaan toban sanadood
وبعدها توفي صلوات الله وسلامه عليه
ka dibna waa la oofsaday Rasuulka scw.
 ودينه باق،
Diintiisana waa Baaqi (oo way jirtaa ma aysan  dhimanin) ,
 وهذا دينه،
waana tanaa Diintiisa (ina dhextaala),
لا خير إلا دل الأمة عليه،
Khayr uusan umada u sheegin ma jirto,
 ولا شر إلا حذرها منه،
Shar uusan uga diginna ma jirto,
والخير الذي دل عليه: التوحيد،
Khayrkii uu (ummada)  tusiyayna (uu u sheegayna) waa : Tawxiidka,
 وجميع ما يحبه الله ويرضاه،
iyo dhamaan wixii uu Allaah uu jecelyahay raalina uu ka yahay.
 والشر الذي حذر منه: الشرك
Shartii uu (ummada) uga digayna waa : Shirkiga
 وجميع ما يكرهه الله ويأباه.
iyo dhamaan wixii Allaah uu neceb yahay uuna diidaayo.

بعثه الله إلى الناس كافة ،
Allaah wuxuu (Nabi Muxammed scw) u soo saaray Dadka oo dhan,
وافترض الله طاعته على جميع الثقلين: الجن والأنس،
Wuxuuna Allaah ku waajibiyay inay adeecaan (Nabi Muxammed scw)  dhamaan Mukalifiinta : Jinka iyo Insiga,
والدليل قوله تعالى :
Daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
﴿ قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ جَمِيعاً ﴾ {سورة الأعراف، الآية: 158}.
( waxaad tiraahdaa Dadaw waxaan ahay Rasuulkii Allaah oo adinka oo dhan la ii kiin soo diray) {suuratul-Acraaf aayada 158}.
وأكمل الله به الدين ،
Wuxuuna Allaah (Nabi Muxammed) ku dhamaystiray Diinka,
 والدليل قوله تعالى :
Daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
 ﴿ الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ
{Maanta ayaan idin dhamaystiray Diinkiina,
 وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي
waxaana ku dhamaystiray dushiina Nicmadayda,
 وَرَضِيتُ لَكُمُ الإسلام دِيناً ﴾ {سورة المائدة، الآية: 5}.
waxaana idinkaga raali noqday Islaamka Diin ahaan} suuratul-Maa,idah aayda 5aad.
والدليل على موته صلى الله عليه وسلم قوله تعالى:
Waxaana u Daliil ah geerida Rasuulka scw Qawlkii Allaah Sareeyey:
﴿ إِنَّكَ مَيِّتٌ وَإِنَّهُمْ مَيِّتُونَ  (الزمر:30)
(waxaad tahay (Nabi Muxammedaw) mid dhimanaayo ayagana waa kuwo dhimanaayaan) Al-zumr, aayda 30 aad
ثُمَّ إِنَّكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ عِنْدَ رَبِّكُمْ تَخْتَصِمُونَ ﴾ (الزمر: - 31)
{Kadibna Maalinta qiyaamo Rabigiina agtiisa ayaad ku doodaysaan} Al-Zumr, aayada 31 aad.
والناس إذا ماتوا يبعثون  ،
Dadkana marka ay dhintaan dib ayaa loo soo saarayaa,
والدليل قوله تعالى :
Waxaana u Daliil ah (in Dadka dib loo soo saaraayo) Qawlkii Allaah Sareeyey :
 ﴿ مِنْهَا خَلَقْنَاكُمْ
{ Xageedaan (Dhulka) idinka abuurnay,
 وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ
dhexdeedaana idinku celinaynaa,
 وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَى ﴾ {سورة طه، الآية: 55}  
Xageedaana (Dhulka) idinka soo bixinaynaa markale} suuratu Daah, aayada :55aad,
وقوله تعالى:
Waxaa kaloo u daliil ah Qawlka Allaah Sareeyey:
 ﴿ وَاللَّهُ أَنْبَتَكُمْ مِنَ الْأَرْضِ نَبَاتاً*
Allaahna wuxuu  idinka soo dhaliyay (inka soo saaray) Dhulka soo dhalin (soo saarid)*
ثُمَّ يُعِيدُكُمْ فِيهَا وَيُخْرِجُكُمْ إِخْرَاجاً ﴾ (نوح:17 - 18)
{ka dibna wuu idinku celinayaa dhexdeeda wuuna idinka soo saarayaa soo saarid} suuratu-Nuux aayadaha 17-18.
وبعد البعث
Isa soo saarida ka dibna
 محاسبون
(Dadka) waa kuwo la xisaabinaayo
ومجزيون بأعمالهم ،
laguna abaalmarinaayo Acmaashooda (wixii ay horey  u soo shaqeesteen),
والدليل قوله تعالى :
Waxaana u Daliil u ah Qawlkii Allaah Sareeyey:
﴿ لِيَجْزِيَ الَّذِينَ أَسَاءُوا بِمَا عَمِلُوا
{si uu uga abaal mariyo kuwii xumaanta sameeyay wixii ay sameeyeen
وَيَجْزِيَ الَّذِينَ أَحْسَنُوا بِالْحُسْنَى ﴾ {سورة النجم، الآية: 31} ؛ .
Ugana abaal mariyo Kuwii wanaaga sameeyeen Wanaag}Al-najm:31
ومن كذب بالبعث كفر ،
Qofkiina beeniya Isa soo saarida wuu gaaloobay,
 والدليل قوله تعالى :
Daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
﴿ زَعَمَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنْ لَنْ يُبْعَثُوا
{waxay sheegteen kuwii gaaloobay inaan la soo saareenin
قُلْ بَلَى وَرَبِّي لَتُبْعَثُنَّ ثُمَّ لَتُنَبَّؤُنَّ بِمَا عَمِلْتُمْ وَذَلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ ﴾ {سورة التغابن ، الآية: 7}  
Waxaad tiraahdaa haaye waxaan ku dhaartay Rabigeey waa la idin soo saarayaa oo la idin kaga waramayaa wixii aad camal fasheen arinkaasina Allaah waa mid u fudud}suuratu-Altagaabun aayada7.
وأرسل الله جميع الرسل مبشرين ومنذرين
Allaah wuu soo diray Rususha xaala ay yihiin kuwo bishaareenaya  iyo kuwo digayayaaal
 والدليل قوله تعالى
daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey
﴿ رُسُلاً مُبَشِّرِينَ وَمُنْذِرِينَ
{Waa Rusulo bishaareeyayaal iyo digayayaal ah
 لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى اللَّهِ حُجَّةٌ بَعْدَ الرُّسُلِ﴾ {سورة النساء، الآية: 165} .
si aysan Dadka xujo ugu yeelan Allaah ka dib Rasuulada} suuratu Al-nisaa aayada 165.
وأولهم نوح عليه السلام ،
Kooda ugu horeeyay waa Nuux cs ,
 وآخرهم محمد صلى الله عليه وسلم
kooda ugu dambeeyeyna waa Muxammed scw
والدليل على أن أولهم نوح عليه السلام قوله تعالى:
Daliilka inuu kooda ugu horeeyey Nuur cs yahayna waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
﴿ إِنَّا أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ كَمَا أَوْحَيْنَا إِلَى نُوحٍ وَالنَّبِيِّينَ مِنْ بَعْدِهِ ﴾ (النساء: من الآية163).
{anagaa kuu waxyoonay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay} Al-nisaa aayada 163.
وكل أمة بعث الله إليها رسولاً من نوح إلى محمد ؛
Ummad walbana wuxuu allaah u soo saaray Rasuul laga soo bilaabo Nuux cs ilaa Muxammed cs,
يأمرهم بعادة الله وحده ،
Amraya Dadka Cibaadada Allaah keligiisa,
 وينهاهم عن عبادة الطاغوت ،
kana reebaya Cibaadada Daaguutka (waxkastoo Allaah sukadiisa la caabudo),
والدليل قوله تعالى :
Daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
﴿ وَلَقَدْ بَعَثْنَا فِي كُلِّ أُمَّةٍ رَسُولاً
{dhab ahaantii waxaan ka soo dhex saarnay Ummad walba Rasuul (ula jeedada loo soo saarayna waa)
 أَنِ اعْبُدُوا اللَّهَ وَاجْتَنِبُوا الطَّاغُوتَ ﴾ (النحل: من الآية36) .
inay caabudaan Allaah kana dheeraadaan Daaguutka} Al-naxl aayada 36 aad.
وافترض الله على جميع العباد الكفر بالطاغوت والإيمان بالله.
Wuxuuna Allaah ku waajibiyey dhamaan Adoomada inay ku kufriyaan Daaguutka , rumeeyaanna Allaah.
قال ابن القيم - رحمه الله تعالى-الطاغوت:
Wuxuu yiri Ibnu-Alqayim rx Daaguutka waa:
 ما تجاوز به العبد حده من معبود أو متبوع ، أو مطاع  ؛ .
wixii uu Adoonka ka gudbo xadkiisa kaasoo ah mid la caabudo ama mid laraaco, ama mid la adeeco,
والطواغيت  كثيرة ورؤسهم خمسة
Dawaagiit kana way badan yihiin madax doodana waa shan ( shanta golaha sare ee dawaagiitka) waa:
إبليس لعنه الله،
 Ibliis Allaah lacanadyee,
 ومن عبد وهو راض
Iiyo qofkii la caabuda asigoo raali ka ah,
ومن دعا الناس إلى عبادة نفسه  ،
Iyo qofkii Dadka ugu yeera Cibaadada nafsadiisa,
ومن ادعى شيئاً من علم الغيب؛
Iyo qof sheegta wax ka mid ah Cilmiga Maqan,
ومن حكم بغير ما أنزل الله .
Iyo qof dadka ku kala xukmiya (ugu kala gar qaada) wixii Allaah soo dejiyay waxaan ahayn.
والدليل قوله تعالى:
(in ay waajib tahay in lagu kufriyo Daaguutka lana rumeeyo Allaah) waxaa daliil u ah Qawlkii Allaah Sareeyey:
 
﴿ لا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ
{qasab ma aha Diinta (gelideeda),
 قد تبين الرشد من الغي
  Hanuunka (Iimaanka) wuu ka cadaaday (ka soocmay) Baadida (Gaalnimada)
فَمَنْ يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ
Qofkii ku kufriya Daaguutka,
 وَيُؤْمِنْ بِاللَّهِ
rumeeyana Allaah,
 فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَى ﴾  (البقرة: من الآية256)
dhab ahaantii Qofkaasi wuxuu qabsaday Guntintii adkeyd} Albaqra aayada 256aad.

 وهذا معنى لا إله إلا الله .
Kanina waa macnaha Allaah Xaq lagu caabudo ma jiro Allaah mooyaanee.
وفي الحديث
Xadiithna waxaa ku sugnaatay
 "رأس الأمر الإسلام
" Arinka (Diinka) madaxiisa waa Islaamka (Tawxiidka),  
 وعموده الصلاة
tiirkiisana waa Salaada,
 وذروة سنامه الجهاد في سبيل الله"  .
baarka kuruskiisana waa Jihaadka Wadada Allaah".
والله أعلم ، وصلى الله على محمد وآله وصحبه وسلم
Allaah ayaana Ogaan badan, Nabad galyo iyo Naxariis/Amaan Nabi Muxammed dushiisa iyo Ahalkiisa iyo Asaxaabtiisa ha ahaato.

Walaalahayga aan Islaamka ku walaalawnayow Kitaabkii Al-Usuulu thalaatha meeshaani ayuu noogu dhamaaday, wixii aan haleelay sax iyo wanaag ah Allaah ayaa ii sakhiray, wixii aan dhinac maray oo aan khaldayna waxay ka timid Nafsadayda gaabiska badan, Camal kasta oo Rabi raali ka yahay oo aan samaynaynana mid aan Allaah Ridahiisa ku dalbeeno Allaah nooga dhigo, intaasi ka dib wixii aan baranay ku camal falkooda ayaa ina hor yaalo hada iyo gaarsiintiisa iyo ku sabrid wixii caqabado ah oo aynu kala kulano.
Waa walaalkiina aad Diinta ku walaalawdeen Muxammed Aadam Ibraahim oo idinka dalbanaayo inaad Allaah uga baridaan Asiga iyo Ahalkiisa inuu waafajiyo Aduun iyo Aakhiro wuxuu Allaah raali ka yahay  Ayagana ay Raali ka yihiin.
Wixii su’aal, sixid ama suluugmo ah oo ku saabsan Kitaabkan fadlan ku soo hagaaji emailkan :  [email protected]
[email protected]