About the article

Author :

محمد أحمد علمي الزيلعي

Date :

Wed, Apr 13 2016

Category :

Morals & Ethics

Download

33 talaabo la dhaqanka waalidka

 

33 Nasteexo oo ku saabsan la qaabka loola dhaqamayo Waalidka
[ Soomaali – Somali – صومالي ]

 

 

 


Maxamed Axmed

 

 

 

 

 

2014 - 1435
 

 

33 خطوة للتعامل مع الوالدين
« باللغة الصومالية »

 


محمد أحمد

 

 

 

 


2014 - 1435
 

 

33 Nasteexo oo ku saabsan la qaabka loola dhaqamayo Waalidka

Bismilahaahi raxmaani raxiim:
 Sadex iyo sodon talaabo oo kuu sahlaya sidaad ugu samafali lahayd waalidkaaga.

1-    Dhagayso hadalkooda, marka ay hadlayaan.
2-    Rayigooda ka aqbal mar walba.
3-    Marka aad eegayso hoos madaxa u dhig.
4-    Inaad u amaanto si joogto ah.
5-    In lala wadaago farxadooda.
6-    Ha ka sheegin war aan haboonayn.
7-    Inaad amaanto saaxiibadooda ay jecel yihiin.
8-    In la xasuusiyo horumarkii ay hore u sameeyeen.
9-     Ia qaybso xanuunkooda mar walba.
10-    In aanad xasuusin meelihii ay ku gabood faleen noloshooda.
11-    Meesha ay fadhiyaan ha ku mashquulin wax ka baxsan hawsha taala meeshaas.
12-    In loola fadhiyo si ixtiraam ku dheehan tahay.
13-    In la tuso in ay tahay afkaartoodu mid sax ah had iyo jeer.
14-    In aan lagu dhex goyn sheekada ay wadaan.
15-    In la baro ubadka yaryar sida ay ula dhaqmayaan.
16-    In aan lagu garaacin ubadka yar yar hortooda.
17-    In  laga qaato nasteexo kasta oo ay soo jeediyaan.
18-     Meesha ay fadhiyaan cida maamulaysaa in ay iyaga ahaato.
19-    In aan codka kor loogu qaadin.
20-    Marka la socdo in aan laga hor marin talaabada.
21-    Marka la cunayo inaan laga hor marin gacanta.
22-    Indhaha in aan lagu gubin, oon si xun loo fiirin.
23-    In lagu faano , in ay yihiin kuwa ku dhalay.
24-    Marka meel lawada fadhiyo inaan lugta lagu fidin.
25-    In aan loo soo jiidin wax dhibaateeya.
26-    In loo duceeyo  mar walba.
27-    Inaan la tusin in la dhibsanayo marka lawada joogo.
28-    In aan lagu qoslin hadii ay ka soo baxaan fal aan haboonayn.
29-    In loo adeego iyagoon kaa dalban.
30-    In la badiyo booqashadooda mar walba.
31-    In lagula hadlo kalmadaha ixtiraamka huwan.
32-    In loogu yeedho qaabka ay ugu jecel yihin.
33-    In laga hor mariyo qof walba meesha ay joogan.

Ogow waalidkaagu waa dheeman dhulka dushiisa yaala ka faa'idayso inta aanan ciida lagu aasin.
Xaqa labaad ee xaqa Ilaahay ku xigaa waa xaqa waalidka , marnaba ha ku gabood falin,  baro oo ku dhaqan.


Wabilaahi tawfiiq.