About the article

Author :

محمد أحمد علمي الزيلعي

Date :

Wed, Apr 13 2016

Category :

For New Muslim

Download

Sideen uga faa’idaysan karnaa fasaxyada


Sideed uga faa idaysan kartaa fasaxyadaada
[ Soomaali – Somali – صومالي ]

 

 


Maxamed Axmed Cilmi

 

 

 

 

 


2014 - 1435
 

 

كيف نستفيد من الإجازة؟
« باللغة الصومالية »

 


محمد أحمد

 

 

 

 

 

2014 - 1435
 

 

Sideed uga faa idaysan kartaa fasaxyadaada

بسم الله الرحمن الرحيم
Bismilaahi  Ar- raxmani Ar- raxiim
Su'aal: Sideen uga faa idaystaa wakhtiyada fasaxa?
Shaki kuma jiro in wakhtigu yahay raysamaalka ugu muhiimsan ee qofku haysto inta uu nool yahay,  taasi oo macanaheedu yahay in wax waliba oo uu waayo uu heli karo  badalkiisa, tusaale ahaan  lacagtu way timaadaa wayna baxdaa, cilmiga waa la bartaa waana la hilmaami karaa, Hadiise hal daqiiqo oo ka mid ah noloshaada ay kaa tagto waa mid aan dhacayn in dib laguugu soo celiyo, sidaa awgeed waxaa mudan in ay qiimo wayn yeelato halka daqiiqo ee noloshaada ka mid ah.
Sidoo kale Waxan wada ogsoonahay in aan hada ku jirno wakhti fasax ah oo dadka intii wax baranaysay iyo intii shaqaalaha ahayd badankooduba ay nasasho gaaban ku jiraan , taasi waxa ay keentaa in qofku helo wakhti badan oo firaaqo ah isla markaana uu kaga lumo waxyaalo badan oo marka uu dib isku xisaabiyo uu garto in uusan  ka faa'idaysan wakhtigii dheeraa ee ka tagay intii uu fasaxa ahaa, dabadeedna uu dib isku canaanto wakhti ayna canaantaasi waxba tarayn.
si hadaba ayna taasi u dhicin oo aan uga faa idaysano wakhtigeena qaaliga ah ee ilaahay inagu manaystay waxaan talo ahaan ugu soo jeedin lahaa idinka iyo naftaydaba in aan ku mashquulino nafteena  wakhtiga fasaxa ah hawlahan soo socda :
1-    In qofku isku dayo in uu xifdiyo qayb ka mid ah kitaabka eebe.
2-    In la booqdo dadka qaraabada ah.
3-    In wakhti badan lala qaato waalidiinta.
4-    In wakhti fiican lala qaato qoyskaaga (ubadka iyo hooyadood).
5-    In la booqdo dadka xanuunsanaya.
6-    In la booqdo dadka ku jira jeelasha.
7-    In la booqdo dadka agooamaha ah.
8-    In la akhriyo hal kitaab (buug) ugu yaraan.
9-    La shaqaynta ururada bulshada ee ku hawlan danta guud ee umada.
10-    In laga qayb galo hawlaha tadawucnimo sida : wacyi galinta dhanka waxbarashada, la dagaalanka xanuunada, ururinta iyo qaybinta tabarucaadka, ka qayb qaadashada dhisida masaajidada   iskooladada iyo madarasadaha, ka qayb galka shirarka bulshada waxtarka u leh.
11-    Diyaarinta qormooyinka umada anfacaya.
12-    Dhexdhexaadinta khilaafaadka bulshada iyo qoysaska.


Sidoo kale iyadna waxa haboon in laysku dayo in booqasho lagu tago meelaha muhiimka ah ee dhulkeena ka mid ah, taasi oo laga korodhsanayo aqoon guud oo ku saabsan dhulka hooyo,  ama la booqdo dadka waayeelka ah ee laga faa'idaysanayo khibrad iyo waayo aragnimo dhanka cilmiga iyo dhanka noloshaba.

Gabagabadii waxaa lagama maarmaan ah in qofka muslimka ahi uu ku bixiyo wakhtigiisa meesha ku haboon si marka ay su'aashu timaado maalinta qiyaamaha uu u helo jawaabta ku haboon.

Waxa laga wariyay nabiga S.C.W. in uu yidhi : (qofna ka dhaqaaqi maayo maalinta qiyaame meesha uu taagan yahay ilaa la waydiiyo afar arimood ,  waxa afartaas ka mid ah  Cumrigaaga meeshii aad ku soo dhamaysay, ee aad ku bixisay wakhtigii aad haysatay intii aad noolayd).


Ilaahay waxa aan waydiisanaynaa in uu inaga dhigo kuwo ka faa'idaysta wakhtigooda , danbigeena iyo ka waalidiintoodana loo dhaafo,  Janadana ku gala xisaab la' aan.    Aamin.