About the article

Author :

www.islamhouse.com

Date :

Wed, Apr 13 2016

Category :

Transactions & Worship

Download

Soonka caashuuraa

Walalayaal waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa, kalmado kooban oo kussabsan FADLIGA SOONKA MAALINTA TOBONAAD EE BISHA AL-MUHARRAM oo ah bisha koowaad ee sanadka HIJRIGA..oo aan hadda kujirno.
Bisha Al-muharram waa bil barakaysan oo ku wayn Allaah agtiisa, waxeyna ka midtahay
 afarta bilood ee loo yaqaan  [..[الأشهر الحُرُم bilaha xurmada leh..sida Quraanka kuxusan Nabigana    صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ uu kusheegay sunnada.
FADLIGA SOONKA BISHA Al-MUHARRAM, Guud ahaan waxaa kusoo arooray sunnada nabiga in ay fadli leedahay soonka sunnada ah oo lasoomo bishaan barakaysan ee Al-MUHARRAM sida kuxusan xadiiska ah:
     
((أفْضَلُ الصِّيَامِ بَعْدَ رَمَضَانَ شَهْرُ اللَّهِ الْمُحَرَّمُ )  رواه مسلم

Oo uu macnihiisu yahay: ** Soon kan ugu fadliga badan soonka ramamdaan kadib waa
soonka bisha Al-muharram…”Muslim ayaa soo saaray”.
Haddaba ayada oo fadligaas leh ayaa hadana waxaa ku dhexjirta maalin lagu magacaabo CAASHUURAA. MAALINTA CAASHUURAA: Waa maalinta 10aad (tobonaad) ee bisha Al-muharram
MUNAASABADDA SOONKEEDA:
Waa  maalintii uu Allaah ka  badbaadiyay NABI MUSSE (عليه السلام)  iyo qoomkiisa shartii Fircoon, marka shukri alaah dartiis ayaan usoomayna malintaasna waxay ahayd maalinta 10aad ee bisha Al-muharaam.
FADLIGA CASHURA: Nabiga صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ  Mar lawaydiiyay soonka maalinta 10aad ee Al-muharram waxa uu ku jawabay: ” waxaan Allaah kaga ajar dalbayaa inuu ii dambi dhaafo sanadkii ka horeeyay”

عن أبي قتادة رضي الله عنه قال : سُئل النبي صلى الله عليه وسلم عن صيام يوم عاشوراء ، فقال : إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله .  رواه مسلم

Dunuubta la isku dhaafayo waa kuwa yar-yar (al-siqaar) qofkii uu ka dhacay dambi wayn oo (kabiira) waxaa looga baahanyahay inuu Allaah tawbad(dambi dhaaf) dhab ah ula yimaado inta uu haysto fursada oo aysan kadin geeridu!!..Allaah
hanoo dambi dhaafo amiin..


MARTABADAHA SOONKA CAASHURA:

1-Sida ugu Dhameystiran: Waa in lasoomo maalin ka hor ama maalin kadib caashuuraa,oo
ah soonka maalinta 9aad iyo 10aad iyo 11aad.
2-Sida ku xigta: Soonka 9aad iyo 10aad.
3-Sida ugu hooseysa: Soonka 10aad oo kaliya.

WAKHTIGA AY KU BEEGANTAHAY sanadkan:
Maalinta 9aad:   Axad        2/11/2014
Maalinta 10aad:  Isniin       3/11/2014
Maalinta 11aad: Salaasa    4/44/2014

 

FAA’IIDOOYIN KOOBAN:-
1-waxaa fiican oo mustaxab ah in loosoomo soonka maalinta  caashuura,kudayasho lagu
dayanano NABIGA “صلى الله عليه وسلم     ”
2-maalintaan waxaa soomay NABIGA (scw) iyo saxaabadiisa waxaa  kaloo hortood soomay
NABI MUUSE.

3-waa maalin fadli wayn leh.

4-waxaa fiican in maalinta caashuura maalin kahor ama kadib laasoomo, khilaaf la
khilaafayo YUHUUDA, oo  ayagana maalintaan soomi jirtay.

5-Intaan ayaa kusoo aroortay fadliga maalinta”CASHURA”, wax kale oo fadli ah ama camal kale oo lasameeyaa  kuma sugnaan SUNNADA NABIGA(SCW).

 Marka waxaa reeban oo BIDCA AH waxa ay sameeyaan dadka loo yaqaan “RAAFIDAH” ama “SHIICA” oo ah is dil iyo is mindiyeen iyo wixii la mid ah, waxaasna ma aha wax diinta ku banaan ama uu ALLAH iyo RASUULKIISU na amreen, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu ka dhawrtoonaado wax walba oo khilaafsan diinta Allaah uu kusoo dajiyay NABI MUHAMMAD(SCW), ayna tahay inuu raacdo jidkuu uu NABIGA(SCW) ujideeyay ummaddiisa ahna jidkii ay raaceen saxaabada iyo salafkii suubanaa Allaah haka raali noqdee dhamaantood.


6-Maalintaana waa fadli Allah uu nagu manaystay inuu nooga dhigay soon maalin qura dambi dhaaf sanad oo dhan, qof walowba waxaa ku deg-degtaa ka faa’iidaysiga maalintaan, kuna bilow sanadkaaga cusub (1436 HIJRIGA) daacada Allah iyo ku tartanka khayraadka. Allah hanaga dhigo kuwii laga aqbalo camalkooda kiisa
wanaagsan..aamiin aamiin aammiin.
     
hadaba Maadaama uu cimrigu yahay mid dhamaanaya, Aakhirana ay naga sugeyso camal suuban, aduunyadiina dambi badatay, soo ma qumana inaan ka faa’iidaysano fursadaha yaryar ee laakiin Dambi dhaafka weyn lagu helayo.
Nabiga(NNKH) wuxuu yiri: Midka Caqliga badani waa kan naftiisa eedeeya ee aan is dhigan, mid Caajislowga ahna waa midka ilaahay meel cidla ah kutala saarta oo aan wax shaqo ah la imaanin.
Naga saari mayso kaliya, Ilaahay waa Naxariis badan yahay hadaynan la iman dambi dhaaf iyo Orod, sida aduunyaduba aysan ugu iman XAGLO LAABAN.

Wabillaahi Tawfiif Wassamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
         ALLE SW SAREEYE KELIGIIS BAY MAHAD DHAMAANTEED U SUGNAATAY.