qaacidooyin afar ah

waa kitaab ka hadlaya afar qaacido oo ku saabsan dhanka tawxiidka, sida shirkiga iyo dhibaatooyinkiisa, shafaacada, iwm.


Qaacidooyin afar ah

[ الصومالية-soomaali ]
        
Sh. Maxamed Bin Cabdulwahaab



Waxa turjumay:
Maxamed Aadam Ibraahim


 

القواعد الأربع
(الصومالية)

    
للشيخ / محمد بن عبدالوهاب بن سليمان التميمي





ترجمة / محمد إبراهيم آدم

 

 بسم الله الرحمن الرحيم

Magaca Allaah ayaan ku bilaabay Naxariista guud ku sifaysnaa (yacnii u naxariista khalqigiisa dhan Muslimiin iyo Gaalaba) Naxariista gaarkana ku sufaysnaa (yacnii Mu,miniinta si gaar ah ugu naxariista Maalinta Aakiro).
أَسْأَلُ اللهَ الْكَرِيمَ
Waxaan waydiisanayaa Allaaha Sharafta badan Deeqsiga ahaaday.
 رَبَّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ
Allaaha ahaaday Rabiga Carshiga Wayn
 أَنْ يَتَوَلاكَ فِي الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ.
inuu kuu gar gaaro, (ku ilaalsho, kuu hiiliyo) Aduunka iyo Aakhirada (ayaan Allaah kaaga bar yayaa).
وَأَنْ يَجْعَلَكَ مُبَارَكًا أَيْنَمَا كُنْتَ،
iyo inuu kaa dhigo mid barakeesan meel kasto aad joogtid
وَأَنْ يَجْعَلَكَ مِمَّنْ إِذَا أُعْطِيَ شَكَرَ،
Iyo inuu kaa yeelo kuwa hadii la siiyo shukriya,
 وَإِذَا ابْتُلِيَ صَبَرَ،
Hadii la imtixaamana sabra,

 وَإِذَا أذَنبَ اسْتَغْفَرَ.
hadii uu dambaabana dambi dhaaf waydiista,

 فَإِنَّ هَؤُلاءِ الثَّلاثُ عُنْوَانُ السَّعَادَةِ.
Sedexdaasi waa Cinwaanka Liibaanta,
 
اعْلَمْ أَرْشَدَكَ اللهُ لِطَاعَتِهِ,
Ogoow Allaah ha kugu hanuuniyo daacadiisee (Daacadu = waa inaad la timaado wuxuu ku faray wuxuu kuu diidayna aad ka dheeraato),
 أَنَّ الْحَنِيفِيَّةَ
Diinta toosan ee baadilka ka leexsan ee ah Diinta kaliyeenta

مِلَّةُ إِبْرَاهِيمَ  ,
ee ah Milada (Diintii) Nabi Ibraahiim CS

 أَنْ تَعْبُدَ اللهَ وَحْدَهُ
waa inaad caabudo Allaah kaligiisa
 مُخْلِصًا لَهُ الدِّينَ،
Weliba adigoo u gaar yeelaya diinta/cibadada.
 كَمَا قَالَ تَعَالَى :
siduu Allaah koreeyey yiri:
 ﴿ وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالإِنسَ إِلاَّ لِيَعْبُدُونِ ﴾ [الذاريات: 56].
((Uma abuurin Jinka iyo Insaanka waxaan Cibaadadayda (keliyeyntayda) ahayn)) suuratu ad-daariyaat aayada 56aad :
فَإِذَا عَرَفْتَ أَنَّ اللهَ خَلَقَكَ لِعِبَادَتِهِ؛
Hadaad garatay Inuu Allaah kuu abuuray Cibaadadiisa,
 
فَاعْلَمْ أَنَّ الْعِبَادَةَ لا تُسَمَّى عِبَادَةً
Ogoow inaan Cibaadadaa aanan lagu magacaabaynin Cibaado,
 إِلا مَعَ التَّوْحِيدِ،
illaa iyadoo kaliyeen la socoto mooyaanee ( Allaah loo keli yeelo).
 كَمَا أَنَّ الصَّلاةَ لا تُسَمَّى صَلاةً إِلا مَعَ الطَّهَارَةِ،
Sidaan Salaada aan loogu magacaabaynin Salaad illaa ay Dahaaro la socoto mooyaanee,
فَإِذَا دَخَلَ الشِّرْكُ فِي الْعِبَادَةِ فَسَدَتْ،
Hadii uu galo Shirkiga Cibaadada way fasaaday (Cibaadada)
 كَالْحَدَثِ إِذَا دَخَلَ فِي الطَّهَاَرِة،
Sida wayso jabiyaha hadii uu galo Dahaarada, (waysadaasi u burayso)
فَإِذَا عَرَفْتَ
Hadaad garatay
 أَنَّ الشِّرْكَ إِذَا خَالَطَ الْعِبَادَةِ أَفْسَدَهَا،
In hadii Shirkiga uu dhex galo Cibaadada uu fasahaadiyo,

 وَأَحْبَطَ الْعَمَلَ،
Uuna buriyo Camalka,
وَصَاَر صَاحِبُهُ،
Uuna ka mid noqonaayo Qofkiisa (Qofka Shirkiga la yimaada)
 مِنَ الْخَالِدِينَ فِي النَّارِ.
Kuwa ku waaraya Naarta.
عَرَفْتَ أَنَّ أَهَمَّ مَا عَلَيْكَ
Waxaad ogaatay waxa ugu muhiimsan waxa ku saaran
 مَعْرِفَةُ ذَلِكَ لَعَلَّ اللهَ أَنْ يُخَلِّصَكَ مِنْ هَذِهِ الشَّبَكَةِ،
Garashada arinkaasi aad garatay waxaa la arkaa inuu Allaah kaa saaro Dabinkaan (Dabinka Shirkiga),
 وَهِيَ الشِّرْكُ بِاللهِ الَّذِي قَالَ الله تَعَالَى فِيهِ:
Waxayna tahay la wadaajinta Allaah kaasoo Allaah uu ka yiri :

﴿ إِنَّ اللّهَ لاَ يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِ
Allaah ma dhaafo in wax lala wadaajiyo (shariik loo yeelo)
 وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَن يَشَاءُ﴾ [النساء: 116].
Wuuse u dhaafaa wixii intaasi (Shirkiga) ka soo hara Ciduu doono Al-Nisaa aayada 116
وَذَلِكَ بِمَعْرِفَةِ أَرْبَعِ قَوَاعِدَ ذَكَرَهَا اللهُ تَعَالَى فِي كِتَابِهِ.
Arinkaasina waa garashada afarta Qawaacid ee uu Allaah ku sheegay kitaabkiisa.

 


 
الْقَاعِدَةُ الأُولَى
                   Qaacidada koowaad
أَنْ تَعْلَمَ أَنَّ الْكُفَّارَ الَّذِينَ قَاتَلَهُمْ رَسُولُ اللهِ ـ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مُقِرُّونَ بِأَنَّ اللهَ ـ تَعَالَى ـ هُوُ الْخَالِقُ، الْمُدَبِّرُ
Waa inaad ogaatid in Gaaladii uu la diriray (dagaalay) Rasuulka scw. ay ahaayeen kuwo qirsan in uu Allaah Sareeyey yahay  Abuure, Maamule (wax walba abuuray ee maamula).
وَأَنَّ ذَلِكَ لَمْ يُدْخِلَهُمْ فِي الإِسْلامِ؛
Arinkaasina ma soo galinin Islaamka,
 وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى:
Daliilkana waa Qawlkiisa Sareeyey:
﴿ قُلْ مَن يَرْزُقُكُم مِّنَ السَّمَاءِ وَالأَرْضِ
{waxaad dhahdaa yaa idinka arzuqa Samada iyo Dhulka,
 أَمَّن يَمْلِكُ السَّمْعَ والأَبْصَارَ
yaana hanta maqalka, iyo aragyaalka,
 وَمَن يُخْرِجُ الْحَيَّ مِنَ الْمَيِّتِ
yaana ka soo bixiya waxa nool waxa dhintay,
 وَيُخْرِجُ الْمَيَّتَ مِنَ الْحَيِّ
kana soo bixiya waxa dhintay waxa nool,
 وَمَن يُدَبِّرُ الأَمْرَ
yaana maamula Arinka,
 فَسَيَقُولُونَ اللّهُ
waxay ku leeyihiin Allaah,
 فَقُلْ أَفَلاَ تَتَّقُونَ ﴾ [يونس: 31].   
waxaad dhahdaa miyaydan (Allaah) ka cabsanayn} Suuratu Yuunis aayada 31 aad.

 

 

 

 

الْقَاعِدَةُ الثَّانِيَةُ
Qaacidada labaad
أَنَّهُمْ يَقُولُونَ:  مَا دَعَوْنَاهُمْ وَتَوَجَّهْنَا إِلَيْهِمْ إِلا لِطَلَبِ الْقُرْبَةِ وَالشَّفَاعَةِ،
Ayagu waxay leeyihiin Ma aanan baryin ugumana jeesanin xagooda (Cibaadada Sanamyada), waxaan ka hayn doonis aan ka doonayno u dhawaasho iyo Shafaacad (aan Allaah ugu dhawaano).
فَدَلِيلُ الْقُرْبَةِ؛ قَوْلُهُ تَعَالَى:
Daliilka Dhawaashahana waa Qawliisa Sareeyey :
 ﴿ وَالَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِهِ أَوْلِيَآء
{Kuwa yeeshtay Allaah sukadiisa Awliyo (Gargaarayaal) (waxay leeyihiin)
 مَا نَعْبُدُهُمْ
Uma caabudayno (Sanamyada)
إِلاَّ لِيُقَرِّبُونَا إِلَى اللَّهِ
Illaa inay Allaah noo dhaweeyaan mooyee
 زُلْفَى
Dhawayn (aan Allaah ugu dhawaanayno)
 إِنَّ اللَّهَ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ
Allaah ayaa kala xukmin doono
 فِي مَا هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
Wixii ay isku khilaafeen
 إِنَّ اللَّهَ لاَ يَهْدِي مَنْ هُوَ كَاذِبٌ كَفَّارٌ ﴾ [الزمر: 3].
Allaah ma hanuuniyo cid been badan gaalnimo badan} Al-zumr aayada 3aad.


 وَدَلِيلُ الشَّفَاعَةِ، قَوْلُهُ تَعَالَى:
Daliilka shafeecadana waa Qawlkiisa Sareeyey :
﴿ وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللّهِ
{Waxayna caabudayaan Allaah sukadiisa
مَا لاَ يَضُرُّهُمْ
Wax aan waxba u dhibaynin (oo haday iska dhaafaan aysan dhibaato u gaysan Karin)
 وَلاَ يَنفَعُهُمْ
Waxna u tareenin (hadii ay caabudaan)
 وَيَقُولُونَ هَـؤُلاء شُفَعَاؤُنَا عِندَ اللّهِ ﴾ [يونس: 18].
Waxayna leeyihiin kuwaasi waa kuwa noogu shafeecayaan Allaah agtiisa} Yuunis aayda 18aad.
وَالشَّفَاعَةُ شَفَاعَتَانِ:
Shafeecadana waa 2 shafeecadood (2 ayay u qaybsantaa)
 شَفَاعَةٌ مَنْفِيَّةٌ،
Shafeeco la diiday,
 وَشَفَاعَةٌ مُثْبَتَةٌ.
Iyo shafeeco la sugay
فَالشَّفَاعَةُ الْمَنْفِيَّةُ :
Shafaacada la diiday waa :
 مَا كَانَتْ تُطْلَبُ مِنْ غَيْرِ اللهِ فِيمَا لا يَقْدِرُ عَلَيْهِ إِلا اللهُ؛
Waa mida laga dalbado (waydiisto) Cid aan Allaah ahayn wax uusan awoodin Allaah mooyaanee,
 
وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى:
Daliilkana waa Qawlkiisa Sareeyey :
 ﴿ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ
Kuwa (Xaqa) rumeeyow
 أَنفِقُواْ مِمَّا رَزَقْنَاكُم
nafaqeeya (bixiya) wax ka mid ah wixii aan idinku arzuqnay
مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ يَوْمٌ
Ka hor inta aysan imaanin maalin (Qiyaamada)
 لاَّ بَيْعٌ فِيهِ وَلاَ خُلَّةٌ وَلاَ شَفَاعَةٌ
Aysan jirin gadasho (iib), aysana jirin saaxiibtinimo, aysana jirin shafeeco

 وَالْكَافِرُونَ هُمُ الظَّالِمُونَ ﴾ [البقرة: 254].
Gaaladana ayaga uun baa daalimiin ah (gardaroodayaal) {Albaqra: 54.}
وَالشَّفَاعَةُ الْمُثْبَتَةُ :
Shafeecada la sugayna :
 هِيَ الَّتِي تُطْلَبُ مِنَ اللهِ ،
Waa mida laga dalbado Allaah,
وَالشَّافِعُ مُكَرَّمٌ بِالشَّفَاعَةِ ،
Kan shafeecaayana waa mid lagu sharfay shafeecada,
 وَالْمَشْفُوعُ لَهُ مَنْ رَضِيَ اللهُ
Kan loo shafeecaayana waa qof uu Allaah ka raali noqday
 
قَوْلَهُ وَعَمَلَهُ بَعْدَ الإِذْنِ؛
Qawlkiisa iyo Camalkiisa ogolaansho ka bacdi,

 كَمَا قَالَ تَعَالَى :
Siduu Allaah Sareeyey yiri :
﴿مَن ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْدَهُ إِلاَّ بِإِذْنِهِ﴾ [البقرة: 255].
{Waa kuma kan ka shafeecaayo Allaah agtiisa inuu Allaah uu u ogolaado mooyee (maba jiro)} ( Al-baqra : 255)

الْقَاعِدَةُ الثَّالِثَةُ
Qaacidada sedexaad
أَنَّ النَّبِيَّ ـ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ـ ظَهَرَ عَلَى أُنَاسٍ مُتَفَرِّقِينَ فِي عِبَادَاتِهِمْ،
Nabiga scw wuxuu ku soo dul baxay Dad ku kala tagsan Cibaadaadkooda (oo waxyaabo kala duwan ayay caabudi jireen markuu Nabiga scw soo baxaayay)
 مِنْهُمْ مَنْ يَعْبُدُ الْمَلائِكَةَ،
Waxaa ka mid ahaa mid caabuda Malaa,igta,
 وَمِنْهُمْ مَنْ يَعْبُدُ الأَنْبِيَاءَ وَالصَّالِحِينَ،
waxaana ka mid ahaa mid caabuda Nabiyada iyo Saalixiinta (Dadkii wan wanaagsanaa),


وَمِنْهُمْ مَنْ يَعْبُدُ الأَشْجَارَ وَالأَحْجَارَ،
Waxaana ka mid ahaa mid caabuda Geedaha iyo Dhagaxaanta,
 وَمِنْهُمْ مَنْ يَعْبُدُ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ،
Waxaana ka mid ahaa mid  caabuda Qoraxda iyo Dayaxa,
 وَقَاتَلَهُمْ رَسُولُ اللهِ ـ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ـ وَلَمْ يُفَرِّقْ بَيْنَهُمْ؛
Wuuna la diriray Rasuulka scw (dhamaantooda) mana kala saarin
 وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى:
Daliilkana waa Qawlkiisa Sareeyey :
﴿ وَقَاتِلُوهُمْ
{La dirirana Gaalada
 
حَتَّى لاَ تَكُونَ فِتْنَةٌ
Ilaa aysan ka ahaanin fitno (Shirki iyo Gaalnimo)

 وَيَكُونَ الدِّينُ كُلُّهُ لِلّه ﴾ [الأنفال: 39].
Una ahaanaayo Diinka dhamaantiisa Allaah} (bimacnaa ilaa laga waayo cid kale oo Allaah Diin la sheegata la dirira) Al-anfaal:39.
 وَدَلِيلُ الشَّمْسِ وَالْقَمَرِ قَوْلُهُ تَعَالَى:
Daliilka Qoraxda iyo Dayaxa inay caabudayeen na waa Qawlkiisa Sareeyey :
 ﴿ وَمِنْ آيَاتِهِ اللَّيْلُ وَالنَّهَارُ
{Aaayaatka Allaah (jiritaankiisa iyo qudradiisa) waxaa ka mid ah Habeenka iyo Maalinta

 وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ
iyo Qoraxda iyo Dayaxa,
لاَ تَسْجُدُوا لِلشَّمْسِ وَلاَ لِلْقَمَرِ
ha u sujuudina Qoraxda iyo Dayaxa
 وَاسْجُدُوا لِلَّهِ الَّذِي خَلَقَهُنَّ
ee u sujuuda Allaaha ayaga abuuray (Qoraxda iyo Dayaxa)
إِن كُنتُمْ إِيَّاهُ تَعْبُدُونَ ﴾ [فصلت: 37].
hadii aad tihiin kuwo Allaah keligiisa caabudaayo)) suuratu fusilat aayada : 37 aad.
وَدَلِيلُ الْمَلائِكَةِ قَوْلُهُ تَعَالَى:
Daliilka (in la caabudayay) Malaa,igtana waa Qawlkiisa Sareeyey :
﴿ وَلاَ يَأْمُرَكُمْ أَن تَتَّخِذُواْ الْمَلاَئِكَةَ وَالنِّبِيِّيْنَ أَرْبَاباً.. ﴾ الآية [آل عمران: 80].
Mana idin amraayo (Allaah) inaad ka yeelataan Malaa,igta iyo Nabiyada Rabiyaal …} Aala-Cimraan aayada :80aad.

وَدَلِيلُ الأَنْبِيَاءِ قَوْلُهُ تَعَالَى:
Daliilka (in la caabudayay) Anbiyadana waa Qawlkiisa Sareeyey :
 ﴿ وَإِذْ قَالَ اللّهُ
(xus) markuuna yiri Allaah
يَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ
Ciisa Ina Maryamow (nabi ciise scw)
 
ءَأَنتَ قُلتَ لِلنَّاسِ
Ma adigaa ku yiri Dadka
اتَّخِذُونِي وَأُمِّيَ إِلَـهَيْنِ مِن دُونِ اللّهِ
Iga dhigta Hooyadeeyna ka dhigta (naga yeeshta) laba illaah oo Allaah ka sokeeya (ma adigaa sidaa yiri)

 قَالَ سُبْحَانَكَ
Wuxuu yiri (nabi Ciise) nazahnaan iyo dhawrsoonaan baa Allaaw kuu sugnaatay (in illaahnimo ay cid kula wadaagto ayaad ka nazahan tahay)
 مَا يَكُونُ لِي أَنْ أَقُولَ
Iima ahaanin (suuragal iima ahan) inaan dhaho

 مَا لَيْسَ لِي بِحَقٍّ
Wax aanan Xaq u lahayn
 إِنْ كُنْتُ قُلْتُهُ
(Allaaw) hadii aan dhahay (Hadalkaasi)
 فَقَدْ عَلِمْتَهُ
Dhab ahaatii waad ogtahay (sababtoo ah)
تَعْلَمُ مَا فِي نَفْسِي
Waxaad ogtahay wixii ku jira Nafsadayda
وَلَا أَعْلَمُ مَا فِي نَفْسِكَ
Mana ogi aniga waxa ku jira Nafsadaada
إِنَّكَ أَنْتَ عَلَّامُ الْغُيُوبِ﴾ الآية [المائدة: 116].
Adiga keligaa ayaa ah Midka og waxyaabaha maqan oo qarsoon} Al-Maaidah : 116.
وَدَلِيلُ الصَّالِحِينَ, قَوْلُهُ تَعَالَى:
Daliilka Saalixiintana (in la caabuday) waa Qawlkiisa Sareeyey :
 ﴿ أُولَـئِكَ الَّذِينَ يَدْعُونَ يَبْتَغُونَ إِلَى رَبِّهِمُ الْوَسِيلَةَ
{Kuwaasi (Gaalada ahu) kuwa ay baryayaan (caabudayaan) waa Kuwo doonaya ( iyaga laftoodu) in ay rabigood u dhawaadaan,
أَيُّهُمْ أَقْرَبُ
Kooda ugu dhaw ayaa dalbaayo (xaga ilaahay in uu u dhawaado)
وَيَرْجُونَ رَحْمَتَهُ
Waxayna rajaynayaan Naxariistiisa (eebe),
 وَيَخَافُونَ عَذَابَهُ... ﴾ الآية [الإسراء: 57].
Waxayna ka baqanayaan Cadaabtiisa….} Al-israa :57
(Mar hadii ay ayaguba Ilaahay u baahan yihiin maxaad u caabudaysaan)
 وَدَلِيلُ الأَشْجَارِ وَالأَحْجَارِ, قَوْلُهُ تَعَالَى:
Daliilka (in la caabudayay) Geedaha iyo Dhagaxaantana waa Qawlkiisa Sareeyey :
﴿ أَفَرَأَيْتُمُ اللاَّتَ وَالْعُزَّى *
{Ka warama (Sanamyada) Laata iyo Cuzaa,
 وَمَنَاةَ الثَّالِثَةَ الأُخْرَى ﴾ [النجم 19، 20].
Iyo Manaatadii sedexaad ee kale
وَحَدِيُث أَبِي وَاقِد اللَّيْثِيِّ ـ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ ـ قَالَ :
Iyo Xadiith kii Abii Waaqid Al-laythiyi – rc wuxuu yiri :

خَرَجْنَا مَعَ النَّبِيِّ ـ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ـ إِلَى حُنَيْنٍ
Waxaan ula baxnay Nabiga scw – Xunayni xageeda (waa meel xunayn lagu magacaabo)
 وَنَحْنُ حُدَثَاءُ عَهْدٍ بِكُفْرٍ،
Anagoo ay nagu cusubtahay xiligii aan Gaalnimada ka nimid (dhawaan soo Islaamnay),
 وَلِلِمُشْرِكِينَ سِدْرَةٌ ،
Mushrikiintana waxay lahaayeen geed gob ah
 يَعْكُفُونَ عِنْدَهَا
Ay agteeda ictikaafaan (ag fadhiyi jireen)
 وَيُنَوِّطُونَ بِهَا أَسْلِحَتَهُمْ ،
Waxayna suranayeen geedka Hubkooda,
 يُقَالَ لَهَا ذَاتُ أَنْوَاطٍ ،
Waxaana geedkaasu la dhahaa mid wax la surto (laga lulo)
 فَمَرَرْنَا بِسِدْرَةٍ فَقُلْنَا:
Waxaan soo marnay geed gob ah waxaana dhahnay
 يَا رَسُولَ اللهِ اجْعَلْ لَنَا
Rasuulkii Allaaw noo yeel (noo sameey)
 ذَاتَ أَنْوَاطٍ
Mid wax la surto (sida geedkaan oo kale noo sameey)
 كَمَا لَهُمْ ذَاتُ أَنْوَاطٍ. الحَدِيثَ.
Siday ayaga u leeyihiin mid ay wax surtaan.
 (sababta ay u waydiinayaan Rasuulka scw inuu u sameeyana waxay tahay Mushrikiintii ayaa waxay ictiqaadsanaayeen in seeftii geedlaasi la suro ay guul keenayso, kuwa dhawaan soo islaamayna sidaasi ayay u dhaheen noo sameey geedkan oo kale).
الْقَاعِدَةُ الرَّابِعَةُ
Qaacidada afaraad
أَنَّ مُشْرِكِي زَمَانَنَا
Mushrikiinta (kuwa shirkiga ku jira) waqtin aan joogno,
 أَغْلَظُ شِرْكًا مِنَ الأَوَّلِينَ،
Way ka shirki adag yihiin ( daran yihiin) kuwii hore,
لأَنَّ الأَوَّلِينَ يُشْرِكُونَ فِي الرَّخَاءِ،
Sababtana waxay tahay kuwii hore waxay Allaah u shariig yeeli jireen waqtiga barwaaqada (oo keliya),


 وَيُخْلِصُونَ فِي الشِّدَّةِ،
Wayna u gaar yeeli jireen (Cibaadada Allaah) marka ay (xaalada) ku adkaato ( xiliga dhibaatada),
 وَمُشْرِكُو زَمَانَنَا
Mushrikiinta waqtigeena joogtana
 شِرْكُهُمْ دَائِمٌ فِي الرَّخَاءِ وَالشِّدَّة؛
Shirkigooda waa mar kasta xiliga barwaaqada iyo xiliga dhibaatada
 وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى:
Waxaana u daliil ah (in Mushrikiintii hore ay Allaah u gaar yeeli jireen Cibaadada) Qawlkiisa Sareeyey :
﴿ فَإِذَا رَكِبُوا فِي الْفُلْكِ
{Markay fuulaan Doonta
 دَعَوُا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ
Waxay baryaan Allaah weliba ayagoo u gaar yeelaya Allaah Diinta (Cibaadada)
 فَلَمَّا نَجَّاهُمْ إِلَى الْبَرِّ إِذَا هُمْ يُشْرِكُونَ ﴾ [العنكبوت: 65].
Markuu Allaah u soo bad baadiyana Banaanka (ee ay bada ay ka soo baxaan),  Markaasi ayay u shariik yeelayeen} Al-Cankabuut:65

تَمَّتْ وَصَلَّى اللهُ عَلَى مُحَمَّدٍ وعلى َآلِهِ وَصَحْبِهِ وَسَلَّمَ
Way dhamaatay (afartii Qawaacid ee uu Kitaabka ku saabsanaa) Naxariis / Amaan iyo Nabad galyo ha ahaato Nabi Muxammed korkiisa iyo Ahalkiisa iyo Asaxaabtiisa.



Gunaanad:
Walaalahayga aan Islaamka ku walaalawnayow Kitaabkii Al-Qawaacidul Arbaca meeshaani ayuu noogu dhamaaday, wixii aan haleelay sax iyo wanaag ah Allaah ayaa ii sakhiray, wixii aan dhinac maray oo aan khaldayna waxay ka timid Nafsadayda gaabiska badan, Camal kasta oo Rabi raali ka yahay oo aan samaynaynana mid aan Allaah Ridahiisa ku dalbeeno Allaah nooga dhigo, intaasi ka dib wixii aan baranay ku camal falkooda ayaa ina hor yaalo hada iyo gaarsiintiisa iyo ku sabrid wixii caqabado ah oo aynu kala kulano.
Waa walaalkiina aad Diinta ku walaalawdeen Muxammed Aadam Ibraahim oo idinka dalbanaayo inaad Allaah uga baridaan Asiga iyo Ahalkiisa inuu waafajiyo Aduun iyo Aakhiro wuxuu Allaah raali ka yahay  Ayagana ay Raali ka yihiin.
Wixii su’aal, sixid ama suluugmo ah oo ku saabsan Kitaabkan fadlan ku soo hagaaji emailkan :  [email protected]
والله أعلم
وصلى الله على محمد وآله وصحبه وسلم